Somalia Oo Diiday La Hadalka Somaliland

0
Sababaha Aanay Madaxweyne Biixi Iyo Farmaajo Xal U Gaadhi Karin
Madaxweynaha Somalia iyo Madaxweynaha Somaliland

Somalia Oo Diiday La Hadalka Somaliland
Dawladda Soomaaliya ayaa diiday ka qayb galka shir u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo maanta ka dhici lahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ma cadda sababtu laakiin, agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Dr Nuur Diiriye ayaa boggiisa Facebook ku soo qoray in aanay shirkaasi ka qayb galayn laakiin, ay ka go’an tahay wada hadal ay Somaliland la yeeshaan marka la helo wakhti ku haboon, madal ku haboon iyo ajande ku haboon.


Dawladda Kenya iyo Soomaaliya ayuu ka dhexeeya xidhiidh sii xumaanayay muddooyinkii u dambeeyay mana cadda sababta Soomaaliya shirkan u diiday.
Somaliland iyo Somalia Oo Kulamo Ku Leh Nairobi
Shirka waxa qayb weyn ka ah beesha caalamka waxaana la filayay in uu hor dhac u noqdo kulamo ay wada yeeshaan Somaliland iyo Soomaaliya.
Somaliland Iyo Somalia Oo Barri Wada Hadal U Furmayo

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.