Somalia Oo Dacwaysay Safarradii Madaxweyne Biixi

0
Somalia Oo Dacwaysay Safarradii Madaxweyne Biixi

Somalia Oo Dacwaysay Safarradii Madaxweyne Biixi

Dawladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah sidii dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya u qaabileen madaxweyne Biixi u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida ay ku warrantay warbaahinta Busiweek. Soomaaliya ayaa soo dhawaynaha Madaxweyne Biixi ku tilmaantay in si cad loogu xadgudbay Qarannimadeeda.

Biixi ayaa Addis Ababa xarunta Itoobiya iyo Caasimadda Imaaraadka loogu soo dhaweeyay si heer sare ah; roogga cas, labada calan iyo hannaanka guud ee diblamaasiyadeed ayaa u muuqda in Soomaaliya ka cadhootay.
In their letter, Somalia says the engagements are a clear violation of its sovereignty.
Wakiilka Somaliland ee Kenya Amb Baashe Cawil Cumar ayaa ku gacan saydhay dacwadda Soomaaliya, waxaanu sheegay in Somaliland xor u tahay la macaamilka dalalka, islamarkaana aanay fasax uga baahnayn Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in Somaliland tahay dal madax bannaan oo leh xuduudo caalami ah, islamarkaaana uu sii wadayo jidka uu ku raadinayo aqoonsiga. Waxa uu intaasi ku daray in aanay midnimo dambe oo Muqdisho ahi meesha oollin laakiin, nabad ku wada noolaanshaha iyo iskaashiga ay soo dhawaynayaan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.