Somalia Oo Aan Hor Istaagi Karin Saamiga Itoobiya

0
Somalia Oo Aan Hor Istaagi Karin Saamiga Itoobiya

Somalia Oo Aan Hor Istaagi Karin Saamiga Itoobiya

Somaliland, Itoobiya Iyo Imaaraadka ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiis dhigaya in maamulka dekedda Berbera loo kala yeesho Somaliland 30%, Itoobiya 19% iyo Imaaraadka oo leh 51%. Itoobiya waa macmiilka ugu weyn ee dekedda, Imaaraadku waa maalgaliyaha ugu weyn, halka Somaliland leedahay dekeddan Istaraatijyadda ah.

Dawladda Somalia ayaa ku dooday in aanay heshiiskan aqbalayn iyada oo u muuqata in ay ka soo horjeedo saamiga 19% ee Itoobiya la siiyay. Somaliland oo maanta arrintaasi ka jawaabtay waxay ganafka ku dhufatay sheegashada Muqdisho ka soo baxday.

Haddaba Madasha Worldview oo ka shaqaysa lafo gurka xogaha sirdoonka, siyaasadda juquraafiyadda dunida iyo talooyin ay siiso dalalka iyo hay’addaha ayaa falanqayn ka samaysay xiisaddan Geeska ku soo korodhay iyaga oo diiradda saaray in Itoobiya hor istaagi karto damaca Itoobiya iyo in kale.

“Iyada oo Somalia horeba faraqa ugu haysatay dhibaatooyin ku filan ayay haddana 1-dii Maarij shirkadda dawladda Imaaraadku leedahay ee Dp World in dawladda Itoobiya saami dhan 19% ka iibsatay dekedda Berbera ee Somaliland. Heshiisku wuxuu faa’iido u leeyahay dalka bilaa badda ah ee Itoobiya, kaas oo baahi dhab ah u qaba in uu fursad u helo deked. Hase ahaatee Soomaaliya oo u aragta Somaliland in ay xayndaabka Somalia ku jirto ayaa durba ka soo horjeedsatay heshiiska iyada oo ku andacoonaysa in heshiiska caalamiga ah la jabiyay,” Sidaas ayaa lagu yidhi falanqaynta World Views

“Hoggaanka Somalia meel adag ayuu ka taaggan yahay in uu isku dayo ka hor tagidda heshiiska Dekedda. Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdillaahi Farmaajo waxa horeba caqabad ugu ah dagaallada sokeeye ee daba dheeraaday iyo bulshada qabaa’ilka ku salaysan ee dalkiisa. Farmaajo muddo sanad ah oo uu joogay xafiiska wuxuu muquurtay mawjadaha qabaa’ilka oo dhaawac weyn gaadhsiiyay dawladdiisa, isaga oo isku dayay in uu ra’isal wasaarihiisa xilka ka tuuro,” Sidaas ayaa warbixinta lagu yidhi waxaanay intaasi ku dartay in qabiilka Farmaajo oo xidhiidh la leh beelaha Ogaadeen ee kooxda ONLF ka soo jeeda sii xumaynayaan xidhiidhka Itoobiya iyo Farmaajo, islamarkaana cadhada Farmaajo ka dhigaysa mid aan macno ku fadhiyin, sidoo kalena Imaaraadku hadda falkinayo dabinno ka dhan ah nidaamka Farmaajo.

“Farmaajo waxa cadaadis lagu saaray in uu dhinac raaco khilaafka ka dhex taaggan waddamada Khaliijka Carabta. Qadar oo dalalka Carabtu xidhiidhka u jartay taageeradii dhaqaale ee uu ka helay markii la dooranayay waxay Farmaajo u horseeday in Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabtu hoos u dhigaan ama kaba jaraan taageeradii dhaqaale ay siin jireen Somalia. Gaar ahaan dawladda Imaaraadku waxay si toos ah ula shaqaysay dawlad gobolleedada Somalia. Waxay la shaqaysay Somaliland si ay u curyaamiso dawladda dhexe ee Somalia, waxa kale oo la wariyay in ay lacag ku siiyay baarlamaanka sidii Farmaajo xilka looga qaadi lahaa,” Sidaas ayaa warbixintan lagu yidhi.

“Caqabadaha siyaasadeed ee Farmaajo ku gadaaman waxay faa’iido u yihiin dawladda Itoobiya si ay u sahasho xaaladda deked la’aanta ah ee haysata dalkeeda iyo in ay u hesho deked dalkeeda iyo muwaadiniinteeda 100 Milyan kor u dhaafay. Haseyeeshee tani waxay hoos u dhigaysa tognaanta horumarka hawlgalka Midawga Afrika ee AMISOM. Farmaajo wuxuu ujeedo weyn ka dhigtay in uu dalkiisa degenaansho ku filan u abuuro si ay AMISOM uga tagto laakiin, suurto galnimada arrintaasi waxay u muuqata mid aad iyo aad uga fog oo uu ku sibiririxoonayo,” Sidaas ayaa lagu soo afmeeray warbixintan

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.