Somalia miyay diblumaasi ahaan uga falcelin kartaa Weedha Museveni?

0
Somalia miyay diblumaasi ahaan uga falcelin kartaa Weedha Museveni?

Somalia miyay diblumaasi ahaan uga falcelin kartaa Weedha Museveni?
Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay hadal kasoo yeedhay madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo sheegay in Soomaaliya aanay ka jirin dowlad nidaamsan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Museveni uu iskii u hadlay oo la ogyahay in Soomaaliya ay dowlad leedahay.

“Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn dowlad. Way jiraan, balse ma haystaan hay’ad nidaamsan oo maamusha, Soomaaliya waa mid ka mid ah. Waxaa jira dalal kale balse ma sheegayo sababo diblomaasi awgeed”. Ayuu yidhi Madaxweynaha Uganda oo khudbad uu jeedinayay kaga hadlayay dawladnimada.
Walow dad badan ay aad u dhibsadeen hadalka Museveni ayaa haddana dadka aqoonta u leh culluunta siyaasadda waxay qabaan fikir ah in kalmadda uu yiri Museveni aysan wax dhib ah laheyn, balse ay ku xiran tahay hadba dalka hadalkaasi lagu dhahayo xaaladda uu ku sugan yahay.

“Hadalka madaxweyne Museveni wuxuu ahaa hadal cilmiyadeysan oo ma aheyn hadal siyaasadeysan, wuxuu ka hadlay Country oo dal ah, Nation oo ummad ah iyo state oo dowlad ah oo xukuumadii dalka xukunka gaarsiin laheyd, marka Soomaaliya ayuu tusaale usoo qaatay oo waxaa uu yir dalkii Soomaaliya dowladda gacanta ugu ma jirto, oo waad arkeysa Muqdisho waxaa ilaaliya askarttii Uganda , dalkii oo dhan gacanta ugu ma jiro dowladda sida magaalooyinka Bu’aale, Hargeisa iyo meelo kale oo badan , marka lama oran karo Soomaaliya waxaa ka jira dowlad xukunkeeda uu baahsan yahay”. Waxaa sidaasi BBC u sheegay Cabdi Wahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faalooda arrimaha geeska Afrika.
Cabdi Wahaab ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo xukuumadda ba looga baahan yahay inay hantaan dalka oo ay baahiyaan xukunka.
Inkastoo BBC-da aysan garaneynin ujeedada dhabta ah ee uu madaxweyne Museveni ula jeeday hadalkaasi ayaa haddana dadka qaar waxay aaminsan yihiin in uu ahaa mid uu “ugu gefay” qaranimada Soomaaliya.

Halkan guji oo akhriso falanqaynta BBC-da ee arrintan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.