Somalia Maba Jirtee Maxaynu Kala Hadalna?

0

Somalia Maba Jirtee Maxaynu Kala Hadalna?

Hoggaamiyaha xisbiga ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu si adag uga soo horjeestay wada hadalka la filayo dhawaan in uu Jabuuti uga furmo Somaliland iyo Somalia. Waxa uu sheegay in dhawaaqa Somalia kaga hor timid heshiiska dekedda Berbera carqalad ku yahay in la wada hadlo, islamarkaana ay tahay in xukumaddu soo dejiso qorshe lagu joojinayo wada hadallada.

“Ma habboon tahay in aynu Somalia la hadalno? Maxaa Somalia inagaga xidhan?  Soomaaliya waynu kala adkaanay waynu ka adkaanay waanay iska tagtay dawladdii aynu ka adkaanay haddana dawlad kama jirto(Somalia). Maxaynu kala hadalna Somalia maba jirtee? Su’aasha inoo taalla waxa weeye ma wadna hadalkii 2012 Ingiriisku cadaadiska inagu saaray ee uu waliba citiraafay dawlad aan jirin,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Faysal.

Waxa uu intaasi raaciyay in mawqifka Somalia kaga hor timid heshiiska horumarineed ee dekedda Berbera tahay carqalad diidaysa in la wada hadlo “ Waliba hadda arsaaqada ayay inoo diidayaan oo ay leeyihiin maxay u noolaanayaan citiraaf iska daaye. Waa in aynu arrintaas dood ka yeelano oo ka jawaabno. Shalay Muqdisho ayay la dhexmarmarayeen ka warran Berbera arrinteeda? Maxaa Berbera ka galay ciyaalka Muqdisho? Waa caqliyaddaas ta aynu la xisaabtamayna.”

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.