“Somalia iyo Somaliland Labba Dal Bay Ahaayeen, Midna Wuu Jirraa Kii Kale Ma Jirro”

0

“Somalia iyo Somaliland Labba Dal Bay Ahaayeen, Midna Wuu Jirraa Kii Kale Ma Jirro” Eng Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha Xibsiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Duhurkii Maanta Warsaxaafadeed ku qabtay Gurigiisa ayaa si adag uga hadlay caqabadaha ay ku hayso Maamulka Somalia waxaanu carba ku dhiftay in kolba xukuumaddi timaadaba ay jalafooyin u dhigto somaliland isago sheegay in somaliya iyo somaliland ahaayeen laba dowladood imkana mid kaliyi taagantahay tii kalena baaba`aday.

Faysal ayaa ugu baaqay xisbiga mucaaridka ee Waddani in maanta si weyn loo soo dhaweeyo Madaxweyne Muuse Biixi oo u sheegay inuu guul dublamaasiyedeed ka soo hooyay safar uu ku tagay dalka Giniya.

Dhinaca kale Faysal ayaa dhaliilo u soo jeediyay xukuumadda madaxweyne Biixi taasi oo tibaaxay in ay u baahantahay isku shaandheyn sal balaadhan si buu yidhi layskaga dhiciyo cadowga diabada isgo tilmaamay in hadii guduhu kaa burbursanyahay dibadana weerar kaaga iman doono.

sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.