“Somalia Been Bay Ka Sheegta Xaaladda COVID 19 Ee Somaliland

0

Warsaxaafadeed guddida COVID 19 ee Somaliland

Waxa aanu si wadajir ah ula dagaalamaynaa Fiditaanka Cudurka iyo Faafinta wararka xaqiiqada ka fog.

Ma jirto wax qalab ah oo Dawladda Taagta daran ee Somalia ay keeneen gobolada Sool iyo Sanaag ee jamhuuriyadda Somaliland, masuuliyadina kama saarna oo ma aha wax laga sugayo. Sida oo kalena waxa aanu caddaynaynaa inay si maalinle ah warbixino been abuur ah uga sameeyaan xaaladda Cudurka Coronavirus ee Somaliland, arrintaasina waxay xagal-daacin kartaa dedaalada dunidu ugu jirto la dagaalanka Cudurka.

Waxa aanu ugu baaqaynaa Dalka aynu jaarka nahay ee Somalia inay ka waantoobaan wararkaa aan salka iyo raadka toona lahayn, sidoo kalena Hay’adaha Caalamiga ee caafimaadka iyo Beesha Caalamka waxa aanu usoo jeedinaynaa inay tixraacaan warbixinta rasmiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland taasoo ah mid sugan oo sax ah.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.