Siyaasiyiinta Gobolka SOOL Ka Soo Jeeda Ee Ku Sugan Hargaysa Oo Haa Iyo Maya Kaga Dareen Celiyay Diyaaradaha Degaankaas Sahaminta Shidaal Ka Wada.

0

“Ninka yidhi Waxbaan Gadi Anoo Gol iyo Cayn Jooga Ee yidhi Baddii Garacad Baan Gudub u Waydaarin, Gunti Lagu Cadaabyo Muxuu Go’oow Been Sheegay”  Xildhibaan Indho Indho

“Dhulka Waa La Kala Yeelayahay Oo Reero Ayaa La Kala Yahay, Markaa Dhulbahante Waa Inuu Iska Celiyaa Cidii…” qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Sool

893488aa-81d1-4758-87d4-a6071da1091a

Hargeysa (Sayruuq)-Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka SOOL ee bariga Somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay cabashada ka soo yeedhay dadwaynaha degmada Xudun oo maalmihii u dambeeyey ka cabanayay diyaarado ku duulaya joog hoose kuwaasoo ay sheegeen inay macdan ka baadhayaan dhulkaas.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland kana soo jeeda gobolka Sool ayaa isagu si waayeelnimo leh uga hadlay qadiyadan, waxaana uu baaq u diray wasiirka Macdanta Somaliland oo u soo jeediyey inuu ka garaabo cabashada dadka deegaanka, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Wasiirka Macdanta waxaan leeyahay hadalka aad hadlaysaa waa inuu garawshiiyo lahaada, dadka deegaanka baahiyahooda uga jawaab, waxay ka hadlayaan waa horumarin haddii aanad waxba ka qaban karayn dawladda ku soo noqo, Xildhibaanada gobolka ka soo jeeda la kaasho, Wasiirada la kaasho, Madaxwaynaha la kaasho dadka deegaankuna waxay leeyihiin dhulkani waa Somaliland ee baahiyahayaga halaga jawaabo, dadka deegaankana waxaan leeyahay waanu idiin maqanahay iminka halkan aan shirka jaraa’id ku hayaa waa Madaxtooyadii Madaxwaynaha iyo wasiirka madaxtooyadu waxay noo ballan qaadeen in baahiyagooda deg-deg looga jawaabo”

Sidoo kale Xildhibaan Indho-indho ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay wasiiro ka tirsan dawladda Somalia iyo maamulka Puntland oo arrintan ka hadlay waxaana uu yidhi “labadaa wasiir ee midna Somalia joogo midna Puntland waxaan leeyahay ninka yidhi waxbaan gadi anoo gol iyo cayn jooga, ee yidhi baddii garacacd baan gudub u waydaarin, gunti lagu cadaabyo muxuu go’oow been sheegay, ninka Puntland jooga Nugaal oo dhul Somaliland ah waxba laga waydiin maayo, ka Xamar joogana waxaan leeyahay adeer sanwaynta Kismaayo joogtoa batroolkeeda ka hadal”

Geesta kale siyaasiyiin ka soo jeeda isla gobolkan ayaa sidaasi ka duwan uga hadlay qadiyadan waxaanay ku baaqeen in dhulbahante dhulkiisa difaacdo, waa sida uu hadalka u dhigeene, waxaana hadaladoodi ka mid ahaa “diyaaradahani joog hoose ayay ku duulayeen xoolo badan ayay wax yeeleen Madaxwaynaha waxaanu leenahay, Madaxwayne diyaaradahaasi dadka argagax ayay galiyeene wax ka qabo” waxaana ay intaasi raaciyeen “diyaaradahaasi waa qaar deelqaaf ku ah bulshada deegaanka waayo dhulka waa la kala leeyahay, reero ayaa lakala yahay, dhulbahante wayne waa inuu iska caliyaa wixii cadaw ah, waxbana arrinkaas kalama socono”.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.