Siyaasigu waa Humaageena!

0
Madaxweyne Biixi Oo La Qodob Ka Dalbaday Xisbiyada

Siyaasigu waa Humaageena!

Intuu aayar soo gaantifay, hareeraha iska eegay buu afka soo yuubay. Markasaan gartay inuu hayo xan amma hadal uu la baqayo. Dhegtan u dhaweeyey. Anigoo kursiga ka ilaalinaya inuu dhaqaaqo si aan dadka kale u maqal erayada uu rabo inuu calooshiisa ka soo qufo ee uu ii gartay inaan ahay halka uu xal biday.

Mar kaliya ayaa kelmado aan kala hadhin dhegtayda soo gadheen. Dibbaan ugala booday dhegta, haddaana waan ku soo celiyey si aan u hubiyo waxa aan maqlay inuu yidhi iyo in shaydaan dhexda ku soo beddelay. Sidii si leeg baaban isla kelmadihii hore oo xataa xawaraha lagu sheegayaan aanu is beddelin ay dhegahayga ugu soo dhaceen.

“Madaxweyne Muuse Biixi siddeed hoggaamintiisa u aragtaa waatii la lahaa aqoonyahankayagaad tahee? ayuu mar kaliya oon nasasho lahayn is raaciyey!

Si baqdin ku jirto oo aanan isagana jawaabta dhabta kala baqay, marna aan la yaabay sababta uu mawduuc aan meesha oolin ba daf iila soo yidhi ayaan xasuustay oo mar kaliya maskaxdayda ku soo dhacday warraysi laga qaaday Simon Sinek 2017 oo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump wax laga waydiiyey. Siduu u jawaabay uma jawaabin oo wax badan kalama sini oo ah cida uu ka hadlayey iyo goobtu ka hadlayey.

Laakiin si aan walaalkay jawaabtiisa u siiyo ayaan ka soo qaatay aragti aan kala sinaa Simon oo dhiirigelin hoggaaminta caan ku ah; ” Walaal siyaasiyiintu siday u dhan yihiin waa humaaga bulsho ahaan inaga soo noqda. Haddii muraayad aad isku eegto oo hadhkaagu ku qancin waayo, adigu iska bilaw oo isa soo sax. Sidaa darteed haddii siyaasiggu xumaado bulshadu ka turjumaya ee dib ha isu saxdo, hadduu wanaagsanadana way dheefi.”

Intuu kor u dhawaqay buu igu yidhi “yarkaw waad muxaafidsan tahay ee jawaabta imaad siin.”

Maya walaal ee sida aad adigu doonaysaanan uga jawaabin.

“Aqoonyahan baa noo maqan bay ku odhanayaan,” ayuu yidhi intuu si cadho leh faraha iigu taagay.
Siyaasigu waa Humaageena!

Anoo la yaaban faduusha, waxa iga sii fajaciyey cadhada iyo sigadkaan sigtay. Intaan idhi Alxamdulilah baan dhaqaaqay, ilayn waan badqaba oo Alle waa I samata bixiyee. Nin sigtah ma nabadgelin.

Adigu ma yaabtay!
Suxufi ibraahim khadar

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.