Siyaasiga Cabdillaahi Jawaan Oo Gantaal Siyaasaded Ku Ganay Murashax Maxamed Biixi Yoonis

0

Hargeysa (Sayruuq)-Siyaasiga Cabdillaahi Jawaan ayaa gantaal siyaasadeed ku ganay Musharraxa Xisbiga KULMIYE Maxamed Biixi Yoonis, kaasoo uu sheegay inuu halganka Somaliland meel dambe kaga soo biiray isagoo u jeeda inuu siyaasadda ku cusub yahay.

 

jawaa-300x225

Cabdillaahi Jawaan ayaa tusaale u soo qaatay nin tartan orod oo dheer intuu meel dhexe kaga soo biray uu tartankiiba ka hordhamaaday, waxaana uu sheegay inuu Maxamed Biixi ninkaas oo kale ka dhigan yahay  “Waar Somaliland maaratoon dheer ayaa la soo galay, mid halgan ayaa la soo galay oo mid walaalayn ayaa la soo galay, mid laba kooxood oo isgaraacayay oo la mideeyey ayaa la soo galay intaas oo dhan ninka ka maqnaa ee iminka yimaada waa Calasaw dhiisha ii qabo” ayuu yidhi Cabdillaahi Jawaan oo ka hadlyey madal lagu taageeray Musharraxnimada  Muuse Biixi Cabdi.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.