Siyaasi Shiine: Labada dhinacba waa raali.

0
Mustafe Shiine

Labada dhinacba waa raali.

Waxaan arkay in gudoomiyaha cusub ee Wadani aqbalay go’aanka maxkamada Distooriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland oo dhaqan gelisay xeer 14kii 2011kii lagu hawlgalay ee WADANI xisbiga ku noqday.

Keliya waxa ay maxkamadu meesha ka saartay dabarkii ahaa in doorshada ururada lagu galo golayaal deegaan, taasi oo ah in si toos ah loo gelaayo.

Sidoo kale waxa muuqata in shacabka qaar cirka loo.calaamadinaayo oo meesha la keenaayo dood aan xisbiyada iyo urur doonka u oolin oo ah doorashada soo horeynaysa.

Haddiiba aan taa eegno, waxa xeer 14/2011 uu si cad u qeexayaa in diiwaangelinta ururada la bilaabaayo 6 bilood ka hor muddada uu dhacaayo liisanka ay asxaabtu haystaan, 2 bilood gudahoodna ay guddida qiimaynta iyo kala saarista axsaabtu ku soo dhamaynayso kala saarista ururada is diiwaangeliyay oo ay shaacinayso kuwa buuxiyay sharuudaha lagu noqon karo ururo una diyaar ah tartanka ururada/ Axsaabta, iyadoo ay guddida doorashooyinku haystaan muddo 4 bilood ah oo ay dhexdeeda ku qaban karaan doorshada ururada iyo axsaabta ka hor inta aanu liisanku ka dhicin kuwa hadda jira.

Marka aad sidaa u eegto yey kula tahay in raali ahaan-shahoodu wax iska bedeli doonaan, ma urur doonka, Xukuumadda iyo xildhibaanadii dacwada gudbiyay, mise axsaabta hadda jirta?.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.