Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo U Duur Xulay Madaxweyne Biixi

0
How Siad Barre’s Strategy Pushed Him Out Of Power By: Jamal Ali Hussein

 

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo U Duur Xulay Madaxweyne Biixi

Berigii dawladdii Siyaad Barre ay dalka ka talinaysay ayaa laydhku uu marmar bakhtiyi jiray. Waxaa dhacay in nin ku noolaa magaaladeenii Burco ayaa dadka u yara fiirsaday sida ay u dhaqmaan kolka laydhku bakhtiyo iyo kolka laydhku soo dhaco Oo ay labadaba dareen isku mid ah kaga jawaabi jireen. Maalintii danbe ayuu ninkii yidhi ” Waaryaadhaheen reer Burco kolka laydhku bakhtiyana waxaad odhanaysaan ” oooooooh” kolka laydhku soo dhacana waxaad odhanaysaan ” ooooooh” ee bal bahasha kala duwa” imika waxaad moodaa inagii baa bartaa taagan. Inagoo Doorashooyinkeenii ay mudo dhaafeen oo Baarlamaan 15 sanadood kuraasida fadhiyaan Oo guurti 23 sanadood mudo dhaaf ah joogaan ayeeynu Ururo aan wakhtigoodii gaadhin leenahay waynu furaynaa oo soo hormarinaynaa. Waxay ka dhigan tahay iyadoo Salaadii Casar la joogo Oo aad tidhaahdid waxaan tukanayaa salaadii cishaa’iga. Boqol iyo toban balamood Oo hore ayeeynu haynaa Oo aan waxba laga fulin. Inaynu ciyaar ciyaar ” ooooooh” iskaga nidhaahnaa waa ka fiirsasho la’aan. Dadku is baray waxba yaan cirka laysku calaamadeyn. Haddaynu doorasho Baarlamaan qabsan kari weynay Ma mid ururo asxaab oo aad uga adag ayaa la fulin karayaa? Inagoo bilaa caadifad ah aynu caqliga ka shaqaysiino.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.