Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Qiray Maqaamka Safiir Shamsu Diin

0
Qunsulka Cusub Ee Ay Itoobiya U Soo Magacowday Somaliland Oo Soo Gaadhay Hargeysa

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Qiray Maqaamka Safiir Shamsu Diin

Muqdisho(Sayruuq)- Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa is waydiin ku Salaysan maqaamka Somaliland ku so bandhigay Bogiisa Facebook kaaso kaga warmay sheekh dhex Martay Safiirka Itoobiya Somaliland usoo magacwday ee Shamsu diin oo hore u soo maray safiiradda Kenya iyo Jabuuti.
Siyaasi Cabdi shakuur ayaa qoraalkiisa isbarbar dhig Kadib is waydiiyay in Safiirkan Itoobiya Maqaamkii Somaliland kor ugu qaaday.
Waxaanu u dhigana qoraalkiisa Sidan:

Aniga iyo Safiir Shamsudiin

Shamsudiin Axmad Rooble waa safiirka Itoobiya dhowaan u magacawday Somaliland. Sanadkii 2008 ee wada hadalka Jabuuti uga socday Isbahaysiga ARS iyo TFG, Shamsudiin wuxuu ahaa safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya dalka Jabuuti. Dhowrjeer ayaa anigga iyo wafdigii aan hor kacayey shirka wadahadalka kaga baxnay in Itoobiya shirka laga saaro. Maalin Jimce ah ayaan Masjidka wayn ee Jabuuti isku aragnay. Shamsudiin wuxuu ugu yiri “Waryaa Cabdi, Masjiidkana miyaad iiga baxaysaa”. Shamsudiin waxaan mar kale isku aragnay isagoo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Wadanka Kenya.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Qiray Maqaamka Safiir Shamsu Diin

Su’aasha waxay tahay Shamsudiin waa safiir. Safiir na ma qabto xil qunsuliyadeed. Haddaba sow lama oran karo Abiy Ahmed wuxuu sare u qaaday xiriirka itoobiya iyo Somaliland?

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.