Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Ka Hadlay Xorriyaddiisa Loo Celiyay

0

Hargeysa(Sayruuq) Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday in xorriyaddiisa dib loogu soo celiyay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaddib markii ay maanta fadhi ka yeelatay dhageysiga dacwada loo heystay.

““Maaddaama aan markii hore lagu soo qaban ogolaansho Maxkamadeed, ayaa waxay amartay Xafiiska Xeer Ilaalinta inay keento muddo 24 saac caddeymo, xafiiska xeer ilaalinta wuxuu ku guuldareystay inuu keeno caddeymo dhameystiran, Maxkamaddu waxay xorriyaddiisa u soo celisay C/raxmaan C/shakuur”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo intaa ku daray in aan wax racfaan laga qaadan Karin.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shir jaraa’id ku sheegay in caddaaladdu guulaysatay “Waxaan rabaa inaan u mahad celiyo dhammaan intii dhinac istaagta arrinteyda, caddaaladda ayaa guuleysatay, dacwada qeybta hore ayaa dhammaatay qeybta dambe wey furmi doontaa oo aniga xaqa aan lahaa ahaa, cida igu soo been abuuratay beenteeda waa la caddeeyay,” Sidaas ayuu yidhi siyaasigan mucaaradka ah.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda dalka, waa laga gudbay xilligii qori caaradii wax lagu maquunin lahaa, dalkan xilli dib loo celiyay lama joogo, dastuurka iyo sharciga ayaa ka taliya, labada guddoonka Baarlamaanka ee Aqalka sare iyo Golaha shacabka, waxaa ugu baaqayaa inay sharciga la tiigsadaan cid walba oo sharciga ka hor timaada”ayuu yidhi C/raxmaan C/shakuur.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.