Siyaasi Cabdillaahi Jawaan Oo Mucaaradka iyo Madasha Ujeediyay Talooyin Ku Aaddan Muranka Wakhtiga Doorashada

0

Hargeysa(Sayruuq)-Guddoomiye xigeenkii  u horeeyay guddidii doorashooyinka Somaliland, ayaa ku taliyay in la aqbalo 4-ta bilood ee lagu muransan yahay, lana ogolaado wakhtiga guurtidu doorashada u astaysay. Waxa uu ku dooday in maadaama oo la gaadhay wakhtigii ay xukumadda xilku kaga eekaa oo ahayd 26 June 2015 ay hadda tahay in xal la gaadho.

 

“Waqtigii shanta sanno ahayd ee la doortay xukuumaddu waxa ay ku dhamaatay 26-kii June 2015 oo ahayd maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay, waxayna muddadaasi dhaaftay iyadoo aan waxba la isla meel dhigin oo Golaha Guurtida oo muddada kordhisay waxay ku adkaysteen go’aankoodii ay muddada ugu kordhiyeen madaxweynaha, madaxweyne-ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, sidaas ayeyna fasaxoodii labada bilood ah ku galeen, markaa anniga waxay iigu muuqataa, maadaama muddadii shanta sanno ahayd dhammaatay in aynaan dawlad la’aan ku dhacayn oo dalku sidaas ku socon maayo, waxaana markaas bilaaban tahay marxalad cusub oo ah waqtiga guurtidu kordhiyeen ee ah inay xilka hayaan ilaa bisha April ee sannadka 2017 iyo heshiiska xisbiyadu isla qaateen ee ah in doorashooyinku qabsoomaan bisha December 2016.” Ayuu yidhi Cabdillaahi Cabdi Xaaji Xumar(Jawaan) oo wargeyska Jamhuuriya la hadlay.

 

idoo kale, siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar ayaa ku baaqay in gacmaha la isku qabsado sidii looga shaqayn lahaa in doorashooyin xor iyo xallaal ah ka dhacaan Somaliland, “Xisbiyada mucaaridka iyo Madasha Wada-tashiga waxaan u soo jeedinayaa oo aan leeyahay muddadaas yar ee la kordhiyey aqbala. Danta qaranka eega, danteenuna taas ayey ku jirtaa, waana in la isku waafaqo arrintaas. Xukuumadda waxaaan leeyahay si aanay qabyo dambe inoogu iman ee waa in aad dhammaysaan waxyaabaha dhinaciinna ku xidhan oo ay ka mid yihiin maaliyadda iyo dhinaca ammaankaba, iyadoo baarlamaankana laga doonayo inay dhammeeyaan wixii sharciyad ah ee ka dhiman doorashooyinka si aannu waqti dambe innooga lumin. Waxaynu leenahay cadaw badan, waana in dhinac loo wada jeesto oo laga wada shaqeeyo horumarka iyo isku duubnida dalka Jamhuuriyadda Somaliland,”

Siyaasi Cabdillaahi Jawaan, ayaa walaaca mucaaradku muujinayo ku tilmaamay mid aan haboonayn islamarkaana aanay Somaliland dhib ku soo gaadhayn muddo kooban oo wakhtiga loogu daro xukumadda xilka haysa.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.