Siyaasadda Citiraaf Raadinta Somaliland Oo Wax Laga Bedelay

0
Dr Sacad Oo Ka Hadlay Weedhaha Iskhilaafsan Ee Isaga Iyo Madaxweynuhu Ka Yidhaahdeen Saldhigga Militari

Siyaasadda Citiraaf Raadinta Somaliland Oo Wax Laga Bedelay

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa xaqiijiyay in gunnada laga jaray dhammaan wakiillada Somaliland u joogay 9 dal oo aanay xafiisyo uga furnayn dalka. Waxa uu sheegay in la xoojinayo safaaradaha Somaliland ee Addis Ababa iyo Nairobi.

Wasiir Sacad waxa uu sheegay in ay majaraha citiraaf raadinta wax ka bedeleen, islamarkaana sannadkan xoogga la saarayo sidii qaddiyadda Somaliland looga daadejin lahaa dalalka dariska iyo ururada ay waddamada Afrika ku midaysan yihiin sida urur goboleedka IGAD iyo Midawga Afrika.

Waxaanu doonayna sanadkan in aanu culayska saarno Afrika; in aynu xoojino safaaradaheena Kenya iyo Itoobiya, in aynu waddamo badan oo kale Afrikaan ah siyaarano. Waxa kale oo aanu doonayna in aanu qaddiyaddeena gayno Midawga Afrika iyo IGAD. Qaramada midoobay lafteeda ergay ayaanu magacownay marka kuwaas ayaynu xoogga saarayna,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiir Sacad ayaa sheegay in ay wakiillo sharafeedyo aan safaarado lahayn ahaayeen wakiillada Somaliland u qaabilsana Faransiiska, Norway, Turkiga, Canada, Ireland, Sucuudiga, Cumaan, Kuwayt, Koonfurta Suudaan iyo Safiirka wareega sidaas awgeedna laga joojiyay kharashkii ku bixi jiray taas bedelkeedana kharashka lagu siin doono wixii shaqo ay qabtaan.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.