Sirdoonka Somaliland Oo Beeniyey Inuu Heshiis La Galey Imaaraadka

0
Hargeysa(Sayruuq) – Ciidamada Sirdoonka Somaliland, ayaa ka hadlay war maanta ku soo baxay isla-markaana ay daabaceen Warbaahin uu Wargeyska Somalilandtoday ka mid yahay, kaasi oo sheegayay inay heshiis ammaan kala saxeexdeen dawladda Imaaraadka Carabta.
Warkaasi oo Wargeysku Ciwaan uga dhigay “Sirdoonka Somaliland Oo Heshiis La Galay Dawladda Imaaraadka Carabta Iyo Ujeeddada Laga Leeyahay” ayaa Wargeysku daabacay isaga oo soo xiganaya ilo-wareedyo xogtoodu ku arooreysay arrintaasi, kuwaasi oo sheegay in Sirdoonka Qaranka uu la saxeexday dawladda Imaaraadka heshiis dhigaya in Sirdoonka Somaliland oo adeegsanaya laamaha ammaanku ay ka hor-tagaan dagaalyahannada Xuutiyiinta ee ka soo cararaya duqeymaha Yemen inay soo galaan gudaha Somaliland iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika iyo inay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqyada badda cas, gaar ahaan shirqoollada xuutiyiintu u dhigi karaan Maraakiibta ganacsiga ee iskaga goosha Imaaraadka iyo dalalka ay ka mid yihiin Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba in sirdoonku ka shaqeeyo la socodka dadka qoxootiga ah ee ka soo qaxaya Yemen isla-markaana ka soo degaya dekedda Berbera, maadaama oo ay ku soo dhex dhuuman karaan xuutiyiinta iyo kooxaha kale ee Argagixisada ahi.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.