Siilaanyo Oo Dhaariyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare

0

Hargeysa(Sayruuq)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamada Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo uu madaxweynuhu magacaabay 24/05/2015.

Golaha baarlamaanka oo madaxweynuhu u gudbiyay Guddoomiyaha maxakamadda sare ayaa ansixiyay 03/June/2015, ka dibna uu xilkii gudoomiyaha maxkamada sare kala wareegay 08/Jun/2015, gudoomiyihii ka horeeyey ee xilka laga qaaday Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil cali.

Maanta oo taariikhdu tahay 28/June/2015 na uu dhaartii dastuuriga ahaydna uu madaxweynaha qaranka Somaliland u dhaariyey gudoomiyaha cusub si uu hawlaha horyaala u gudo galo, isaga oo sharciga islaamka ugu dhaartay shacbiga iyo qaranka Somalilandba.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu gudoomiyaha dhaarta ka dib ugu duceeyey in alle u fudaydiyo xilkaasi, kana dhigo mid dalka iyo dadkaba u horseeda kala danbayn iyo cadaalad.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.