Siilaanyo Iyo Xirsi Oo Is Laabxaadhay

0
Siilaanyo Iyo Xirsi Oo Is Laabxaadhay

Kulan ay yeesheen madaxweynihii hore ee soomaaliland Md Axmed Mohamoud Siilaanyo iyo wasiirkiisii hore ee madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa laysku laabxaadhay kadib markii laba sadar oo kamid ahaa buuga xirsi la buunbuuniyay islamarkaana qaab siyaasadeed looga faaiideystay.

madaxweyne Siilaanyo ayaa cadeeyey inaanu arintaas waxba uga qabin, xirsina uu yahay gacanyarihiisii iyo saaxiibkii haddana uu khayr iyo duco u rajaynayo wax habayaraatee xumaanana aanu u hayn, dhinaca kale Xirsi Cali xassan ayaa uga mahadnaqay madaxweyne Siilaanyo wanaagga iyo qaabilaada fiican ee kulankaas laysku laabxaadhay.
Kulankan waxaa ka shaqeeyey, madax dhaqameed iyo ganacsato, maadaama uu madaxweynuhu dhoofayay in laysa sii arko. Waa arin farxadleh mar haddii intii madmadow ahayd ee ka dhalatay arintaas si fiican laysaga sii shaafiyay.
Kulanku wuxuu kusoo dhamaaday farxad , tawfiiq iyo wanaag. Wuxuu kulankani ka qabsoomay hoyga madaxweynihii hore Axmad siilaanyo.soo noqo adoo nabada idamka alle .
Guul iyo Gobonimo .

WQ: Muse Raabbi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.