Sifooyinka Wadamadda Dhaqaalahoodu Dib u Dhacsan yahay!

0

Inta badan iyada oo duruufaha deegaan iyo dabeecadeed ba ay ku kala duwan yihiin wadamada dunidu, haddana waxa jira marka dhanka dhaqaalaha laga eego astaamo ama dabeecado ay ka siman yihiin ama ay wadaagaan wadamadda dhaqaalahoodu uu dib u dhaca ku jiro.

Qoraalkan waxa aynu ku eegi doonaa dabeecadahaas ay wadagaan.

  1. Saboolnimo Guud: sida qaalibka ah wadamadaasi waxa ka jirta saboolnimo ragaadisay taas oo ka timaada wax soo saar yaraanta wadamadaas, waxa aanay saboolimadaasi dhaxal siisaa in ay hoos u dhac ku jiraan arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo baahiyaha kale, isla markaana dhakhliga yare e soo gala dadkuna wuu noqdo uun mid la daala dhaca cunto maalmeedka taasina waxa ka dhalata in heerka noloshu hooseeyo.
  2. Dhaqaalaha Asaasiyaadka Ah: wadamadaas waxay caan ku yihiin in dhaqaale ahaan iyo degsiimo ahaan ba ay laba u qaybsan yihiin, qayb waa miyi, oo dhaqaalahoodu wuxuu ku tiirsan yahay wax yar ee ay nolosha ku maareeyaan, haddii ay tahay beero kooban iyo xoolo yar oo ay u adeegsadaan hab qadiim ah oo aan ahayn mid horumarsan qalab ahaan iyo adeeg ahaan ba.

Qaybta labaadna waa magaalada oo wixii dhaqdhaqaaq iyo suuq ahaa ku soo uruuro, taasina waxay keentaa in bulsho ahaan iyaga oo wadan kuwada nool ay kala nolol duwanaadaan isla markaana baahiyahooduna kala baydho inta badan adeegyada iyo nidaamka dawladeed ba waxa ay noqdaan in ay magaalada isugu biyo shubtaan. Waxa aanay taas wadamadaasi ka dhaxlaan in ay ku hirdamaan dhaqankii hore iyo xadaarada dunidu u socoto

  1. Ka Faa’iidaysi La’aan Khayraadka Dabiiciga Ah: maadaama aanay wadamadaasi horumarsanayn aqoon ahaan iyo tignoolajiyad ahaan ba khayraadkooda dabiiciga ahi waa mid aan daboolka laga rogin, sida oo kale waxa ay u badan yihiin kuwa aan ogayn heerka khayraad ee ay leeyihiin xadigiisa, waa suuragal haddii ay daboolka ka qaadaan in ay noqdaan wadamada qaniga ah balse waxa dib u dhigayaa waa abaabul la’aanta bulsheed iyo aqoon la’aanta tignoolojiyada.
  2. Shaqo La’aanta Iyo Shaqo Yarida: maadama ay wadamadan ku badan yihiin hayaanka miyiga ka guuraya ee u guuraya magaalooyinka isla markaana ay kordhayaan dadka magalooyinka ee waxbarashada ka baxaya isla markaana ay kooban yihiin suuqyada iyo waxsoorkuna isla jeerkaasna ay wadamadaasi la daris yihiin qorshayn la’aan waxa ka dhalata shaqo la’aan iyo shaqo yaraan baahsan, waana sababta ay saboolnimadu ula dariska tahay wadamadaasi. La soco Qaybaha Dambe

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.