Siduu U Arkaa Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare Xilka Loo Magacabay, Duruufaha Ku Xeeran Iyo Dabinnada Garsoorka La Dariska Ah ?

0

Hargeysa (Sayruuq) – Guddoomiyaha cusub ee loo Magacaabay Maxkamadda sare ee Somaliland, Proff. Aaden Xaaji Cali Axmed ayaa ka hadlay sida uu u arko xilka culus ee uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo u igmaday.

Proff. Aaden Xaaji Cali oo beddelaya Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare, Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee uu Madaxwaynaha Somaliland doraad u Magacaabay, waxaanu tilmaamay inuu ILAAHAY ka rajeynayo inuu xilkaasi ku asturo.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee Somaliland oo xalay Wargeyska Somalilandtoday khadka Telefoonka ku waydiiyey dareenkiisa iyo sida uu arko xilka culus ee loo Magacaabay ayaa ku jawaabey  “Waan soo dhaweynayaa oo waan ku faraxsanahay Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Madaxweynuhu ii Magacaabay..” ayuu yidhi, Aaden Xaaji Cali Axmed, waxaanu intaasi ku daray oo uu ILAAHAY ka rajeeyay inuu xilkaasi u fududeeyo “Waxaan rajeynayaa in ILAAHAY ii fududeeyo, waayo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda sare waa xil culus”

 

DSCF9941

 

Guddoomiyaha cusub Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa Madaxweynaha uga Mahad-celiyey xilka uu u igmaday “Madaxweynaha waan ugu Mahad-naqayaa inuu xilkaa culus ii igmado, waxaanan rajeynayaa inaan ka soo baxo…” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare loo Magacaabay haddii Baarlamaanku ansixiyo waxa u yaalla hawlo badan oo la xidhiidha hagaajinta garsoorka guud ahaan Somaliland oo aad loo dhaliilsan yahay, iyadoo Guddoomiyihii xila uga horeeyay lagu eryey caddaalad daro, sida uu Madaxwaynuhu ku caddeeyay digreetadii xil ka qaadistiisa.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.