Sideed Qodob Oo Eng Faysal Si Cadho Leh Uga Hadlay

0
Sideed Qodob Oo Eng Faysal Si Cadho Leh Uga Hadlay

Sideed Qodob Oo Eng Faysal Si Cadho Leh Uga Hadlay
Eng Faysal Cali Waraabe Hoggaamiyaha xisbiga UCID ayaa maanta si kulul uga hadlay qodobo door ah oo ku saabsan siyaasadda Somaliland iyo xaaladdaha xilligan ka taaggan.
1. 18-ka May
Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in xorriyaddii 26 june 1960 Somaliland qaadatay luntay oo ay ka dhaxashay burbur, barakac iyo xasuuq laakiin, sharaftii bulshada Somaliland la soo celiyay 18 May 1991 “Sharafta la soo celiyay 18 May waa sharaf aynu wada leenahay reer qudha ma leh, Adduunkana way dhacda oo nidaamyada dawladuhu way isbedelaan 1969 dawladdii dimuqraadiyadda ahayd ee la soo doortay ee Maxamed X Ibraahin Cigaal ra’isal wasaaraha ka ahaa nidaamka aynu haysanay barigaa fulintu waxay ahayd ra’isal wasaaraha wuxuu ahaa nin ka soo jeeda Somaliland laakiin, madaxweynuhu astaan buu ahaa midnimo. Siyaad Barre iyo koox uu wato ayaa siistamkii inqilaabay, inqilaabkaasi mid loo wada dhan yahay muu ahayn ee Maxamed Siyaad Barre iyo koox uu watay ayaa sameeyay, 21 sannadood ayaynu u dabaal degaynay oo waliba loo heesayay oo dhibaatada uu keenay taa maanta Soomaali ku heshiin ladahay tahay ee isku aammini ladahay ee Somaliland iyo Somalia midnimadeedii burburiyay tahay.
Marka nidaamyadu way isbedelaan waad ogtihiin Itoobiyada jaarkeena ah Tigrayga oo qoomiyadaha yaryar ah ayaa dawladdii weynayd bedelay oo ilaa maanta nidaamkay dhiseen lagu socda,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal oo intaasi raaciyay in hadba cidda guulaysata nidaamkeeda la raaco.
2. Beesha Dhexe
Eng Faysal waxa uu intaasi raaciyay in aanay ahayn in la caayo taariikhda ay leedahay qayb bulshada ka mid ah “Somaliland waa la wada leeyahay waa sharafteenii aynu soo ceshanay dawladnimadeenii maantana waa la wada leeyahay laakiin, waxay taaggan tahay caddaaladi ma jirta? Qofkii caddaaladda xumaynaya isaga iska tagi laakiin, qof ama maamul wuxuu xumeeyo in umad dhan la caayo oo beel dhexe beel dhexe lagu waasho, beesha dhexe waa taa is haysata waa taa qaladka isku qabanaysa waa taa qaar jabhadaha samaysteen in la joojiyo weeye qabyaaladda,” ayuu yidhi Eng Faysal
3. Xildhibaan Dhakool
Eng Faysal Waxa uu sheegay in Xildhibaan Dhakool oo loo xidhay aflagaado uu kula kacay xuska maalinta 18 May uu sameeyay qalad weyn oo uu mudan yahay in sharciga la mariyo. Waxa uu sheegay in ay degdegeen guddida joogtada ah ee Wakiillada iyo guddoomiyaha Maxkamadda haddana ay tahay in nidaamka la waafajiyo oo sharciga la hor keeno”Xildhibaan Dhakool guriga ka soo horjeeda waxa ku jira carruurtii ninkii la odhan jiray Dhuubane, Dhuubane nin baayac mushtari ah ayuu ahaa Gaanni ayaa inta uu soo qabtay yidhi ‘SNM ayuu lacag siiya’ fagaare ayuu ku toogtay, carruurtiisa iyo way iska soo horjeedaan gurigiisu, waa la maamuusay waxaa laga dhigay xildhibaan aanu xaq u lahayn, wuxuu ka dhistay daaro, Uganda wuxuu ku leeyahay saddex kaalmood oo shidaal,” ayuu yidhi Eng Faysal.
4. Saluugga Madaxweyne Biixi
“Walaalayaal waxaan ogahay in ay diidmo badan ka muuqato maamulka Muuse Biixi, horta wax xisbi la yidhaa oo wax xukuma ma jiro nidaamkeena madaxweynaha xukuma, tigidhka xisbi ayuu ku soo baxa laakiin, awoodda waxa leh madaxweynaha saluug weyn baa maanta socda ee hala kala saaro saluugga laga qabo Muuse Biixi iyo Qaran dumisnimada ha la kala saaro. Adiga oo u jeeda Muuse Qaranka in aad dumiso maaha, Muusena waxaan leeyahay Somaliland waxay ku soo baxday talo midaysan, isu tanaasul iyo is dhegaysi, may soo marin Somaliland aniga tayda uun baa soconaysa haddana socon mayso Muusow kuu socon mayso, haddaba aynu la xisaabtano dawladdee aynu joojino qaybinta iyo basar xumada Qaran dumiska keenaya,” ayuu yidhi Eng Faysal
Faysal waxa uu intaasi raaciyay in aanay Somaliland ku eegi doonin haddii madaxweynuhu wax sixi waayo ee ay gacanta ka qaban doonaan.
5. Somaliland Burburi Mayso
Hoggaamiyaha UCID wuxuu intaasi raaciyay in aanay Somaliland burburi doonin “Somaliland way burburaysa! Ma burburayso, waxay dadku afka ka barteen way burburi wallaahi baanay burburayn ee adiga burburaya ka waxaa ku hadlayow, Garxajis baa burburi kari waayay 1994, Caydiid oo hubka isugu keen dhiibaya burburin kari waayay, Illaahay Baa SWT Somaliland taagay wayna taagnaanaysa, “ ayuu yidhi Faysal
6 Dhismaha Dawladnimada
Waxa uu intaasi raaciyay waxyaabaha salka u ah dhismaha dawladnimada “Dal waxa lagu dhisaa midnimo umadeed, dawladnimo adag, marka dambe ayaa la yidhaa dimuqraaddiyad, dimuqraaddiyaddu way dambeysa inagu dimuqraaddiyaddii ayaynu horaysiinay markaas ayuu jaahil kasta oo aan wax la isku hayo garanayn, oo aan siyaasadda juquraafiyadeed garanayn inta uu cumaamad soo qaato odhanaya haddaanu reer hebel nahay. Dalkani wuxuu u baahan yahay gacan adag oo bir ah laakiin, caddaalad ah. Waxa aanu leenahay cidna ka ogolaan mayno in Somaliland la qaybiyo,” ayuu yidhi Eng Faysal
7 Dawladaha hoose
“Waxa halkan taaggan dawladihii hoose, madaxweyne Muuse umana kordhin sidii Siilaanyo oo wax umuu macmalin manuu kala eryin ma ogolaanayno waxaanan u arka sharci darro in ay ku joogan iyaguna haddii ay damiir leeyihiin ha iskaga tageen meesha , ha ka tageen wakhtigoodii wuu dhammaaday. Lama arag umad inta ay wax dooratay oo wakhtigii ka dhammaaday iyada oo aan xataa wax loo macmalin iska fadhida, warqad furan baanu soo qorayna oo ah tallooyinka lagu kala dirayo,” ayuu yidhi Eng Faysal.
Waxa uu intaasi raaciyay in madaxweyne Biixi meesha ugu hayo dawladaha hoose taageero ay u fidiyeen xilligii ololaha “Ogolaan mayno maayarradu anigay I caawiyeen oo way joogayaan dee anaga namay caawin umaddana may caawin ee waa taa dadka biyuhu laynayaan, waa taa waddooyinku xidhmeen, waa taa nala leeyahay waar ma waxa magaaladoodii dhisi kari waayay ayaa Qaran dhisi karaya,” ayuu yidhi Eng Faysal.
8 Samatar iyo Cali Khaliif
“Somaliland umadda yabyabatay waxay ka soo saartay meel baaba iyo hoog ah, dambaska ayay ka soo qaadday, nidaam bay gacmahooda ku samaysteen ay u qadeen oo ay u gaajoodeen nabadda maanta Geeska Afrika ugu fiican bay ku nooshay Somaliland. Waxa weeye qofkii nidaamka wax ku darsaday ee gacan ka gaystay xaq buu u leeyahay in uu dhalliilo laakiin, nin maanta yimid oo iska maqnaa oo laga yaabo in uu Somaliland intii ay dhisnaydba la dagaallamayay maalinta uu yimaaddo in uu naxli abuuro maaha, in uu dadka isku diro maaha, waxaanu leenahay ragga meelaha ka qayl-qaylinaya waar haddii aydaan Somaliland wax ku tarayn naxliga ka daaya,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.
Eng Faysal oo sii wata Hadalkan u muuqda in uu ku durayo Prof Axmed Ismaaciil Samatar, Prof Cali Khaliif Galaydh, Prof Ismaaciil Hurre Buubaa iyo cidda la heerka ah wuxuu ku sheegay in aanay sidaas madaxnimo ku gaadhayn. Waxa uu sheegay in dadkii Xamar ka soo quustay naxli ugu sheekaynayaan dhallinyarada, waxaanu barmaamijka tabliiqa siyaasadda u sheegay in aanay kolba dhallinyaro meel ku xaraysan oo been ugu sheekayn ee haddii ay dood hayaan si furan ula doodaan dadka la heerka ah.

@Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.