Sideed Arrin Oo Ay Koobsatay Doorashada Somaliland

0
Madaxweynaha la doortay ee JSL Md Muuse Biixi Cabdi

Sideed ay koobsatay.

“Ma hadhooyinka ay reebtay doorashada Madaxtooyada Somaliland”.

1. Ma ogtahay in ay taariikhda galayso horena ugu gashay in dadku si dimuqraadi ah ay usoo doortaan madaxweynahooda.


2. Ma ogtahay in ay taariikhda ay galayso in qaarada Africa ay koobantahay in madaxweyne xilka haya oo hadana xaq u leh inuu tartamo uu ka tanaasulo inuu xilka sii hayo oo uu kursiga sii jeclaado. 


3. Ma ogtahay in ay taariikhda galayso in qaarada Africa ay ku koobantahay in madaxweyne xilka ka dagayaa isagoon tartamin uu hadana u codeeyo kii badali lahaa ee kursigiisa fadhiisan lahaa.


4. Ma ogtahay in taariikhda ay galayso in doorasho lagu galo hanaanka tiknoolajiyada ( technology) casriga ah, iyadoo qofka Isha laga sawirayo taasi oo aan wali laga hirgalin dalal badan oo horeumaray,hanaankan oo leh kalsooni badan oo ah inay u qabsoonto doorashado xor iyo xalaal ah.

5. Ma ogtahay in ay taariikhda galayso in sadexda musharax ay yiqiinsadaan in awooda kursiga lagu fuulayaa ay tahay shacabka oo codkooda la weydiisto islamarkaana ay weydiistaan halka dalal badan oo Africa ah xoog kursiga lagu fuulo.


6. Ma ogtahay in ay taariikhda galayso in sadexda musharax ay isku waajahaan dood qaran si bulshadu ay u Kala xulato iyagoo qorshahooda u soo bandhigaya.


7. Ma ogtahay in ay taariikhda galayso mudo 21 maalmood ah oo sadexda xisbi ay ku jireen olole siyaasadeed ay ku soo dhamaadeen si nabad ah, iyadoo xisbi kastaa uu maalintiisa dhamaan gobolada uu ka ololaynayay iyadoon kuwa kale ka dhex galayn.


8. Ma ogtahay in ay taariikhda galayso in wixii khilaaf ah ee doorashada in Xisbiyadu dhexdooda ay dhamaysteen iyadoon cidna soo dhex galin.

Suxufi: Cabdixakiin Shirwac

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.