Sidee loo kala diri karaa Golyaasha deegaanka

0
Sidee loo kala diri karaa Golyaasha deegaanka

Sidee loo kala diri karaa Golyaasha deegaanka :
Xeer LR 23/2002
qodobka 29 AAD wuxuu si cad u qeexaya qaababka loo kala diri karo Golyaasha deegank :-
1. Marka ay (3) kalfadhi oo is xiga sabab la’aan, Degmooyinka Darajada “A” & “B” fadhiyadoodu u qabsoomi waayaan. Degmooyinka Darajooyinka C, & D
hadii 4 Kalfadhi oo isku xiga sabab la’aan u qabsoomi waayaan.

2. Marka ay (1/3) xubnaha Goluhu soo jeediyaan (2/3) Na ansixiyaan.

F.3aad:Marka Guddi qaran oo gaara ah oo madax banana oo madaxweynuhu u
magacaabay xilka kala diridda ay soo baadhaan gefafka dhacay ee lidka ku
ah xilgudashadooda warbixin iyo talooyin cadna ka keenaan.

F.4aad : Marka dadweynihii soo doortay ee Degmooyinka Darajada “A” (5,000) Shan Kun oo Qof Maxkamadda Gobolka iska diiwan galiyaan kuna hor saxeexaan,
soona jeediyaan in la kala diro Golaha sidoo kale Degmooyinka Darajooyinka “B” “C” & “D” na waa 2000 oo Qof.

5. Dadweynaha soo jeedinaaya Codsiga kala dirida wax u shardi ah inay deggan yihiin Degmada kana diiwaan gashan yihiin, isla markaana buuxiyaan shuruudaha Codeynta Ee
sharciga doorashooyinku jideeyeen.

6. Marka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduhu uu ku qanco, hubiyana xaqiijinta inay jebiyeen ama ay ku
sifoobeen Arrimaha kuxusan Qodobkan Ee
sababta kala dirida Golaha, wuxuu Wasiirku Awood u leeyahay, in uu soo jeediyo kala dirida Golaha, una gudbiyo Madaxweynaha oo leh Awoodda kama dambaysta ah ee kala diridooda, iyada oo loo marayo maxakammadda
awooda u leh kala diridooda ee Heer gobol.

Markaa waxaan ku talinlahaa in loo maro kala diridooda wadooyinkaa ,, iyada oo aan fawdo iyo saamo jiidid lasamaynin ,,, 5000 muwaadin oo dagan dagmooyinkii laa soo doortay ayaa ku filin kala diraan ,, waa hadii laamaha sharcigu shaqaynayaan ,, markaa ha la qoro Codsi “Petition” lagaga dalbanayo maxkamada Gobolka in lakala diro Golaha deegaanka ,, taas ayaa ugu dhaw sharci *** wixii kale waxay noqonayaan Fawdo iyagana garab ayay siinaysaa …

Cabdishakuur Sulub

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.