Sidee Itoobiya U Aragta Xil Ka Xayuubinta Farmaajo?

0
VOA Xogo Ka Heshay Qaraxii xarunta gobolka Banaadir

Sidee Itoobiya U Aragta Xil Ka Xayuubinta Farmaajo?
Maalmihii u dambeeyay siyaasadda Soomaaliya ayaa cirka isku shareertay kadib markii ku dhawaad 100 xildhibaan keeneen mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, islamarkaana guddoomiyaha baarlamaanku aqbalay in codka kalsoonida loo qaado madaxweynaha.
Mudaneyaasha mooshinka keenay ayaa eedahooda ugu culus ka dhigay in madaxweyne Farmaajo Itoobiya la saxeexday in la mideeyo Itoobiya iyo Somalia taasna ay halis ku tahay Soomaaliya.
Siyaasiga Jawar Maxamed oo udub dhexaad u ahaa halgankii Oromadu kula wareegtay talada Itoobiya haddana ka mid ah xubnaha ugu dhadhaw ra’isal wasaare Abiy Axmed islamarkaana dawladdiisa si weyn u difaaca ayaa bogaggiisa Social Media ku sheegay in Mooshinka ay ka dambeeyaan wax uu ugu yeedhay Weyane oo uu ula jeedo xukumaddii hore ee Itoobiya.
“Waxan macno darrada ah(mooshinka) waxa maalgaliyay Weyane. Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya iskumay raacin in hal dal laga dhigo. Waxay isku raaceen in la dardar geliyo isu soo dhawaanshe dhaqaale iyo iskaashi ammaan,” Sidaas ayuu yidhi Mr Jawar oo intaasi ku daray in aanay soo noqonayn waxa uu ugu yeedhay Weyane oo curyaamin jiray Soomaaliya.

Xukumadda Dr Abiy Axmed ayaa loo arka mid soo dhawaysatay hoggaamiyaha Soomaaliya, islamarkaana u aragta in xukumaddii hore ee Tigraygu masuul ka ahayd xafiiltankii Soomaaliya iyo Itoobiya.


Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.