Sidee Dr Abiy U Arka Siyaasadda Geeska Iyo Berbera?

0

Sidee Dr Abiy U Arka Siyaasadda Geeska Iyo Berbera?

Dr Abiy Axmed Cali Ra’isal wasaaraha cusub ee Itoobiya loo dhaari doono Isniinta soo socota ayaa u muuqda mid fahansan mushkiladaha dib u dhigay Geeska Afrika iyo dhibaatooyinka maxalliga ah iyo kuwa dibadda kaga imanaya ee horseeda khilaafyada horusocodka u diiday gobolka. waraysi uu kaga hadlay arrimaha gobolka oo uu dhawr jeer ku soo qaaday mushkiladaha Soomaalida ayuu ku lafo guray xaaladda Geeska Afrika.

Dr Abiy Axmed waxa uu sheegay in dano gudaha ah iyo kuwo shisheeye khilaafaad ka hurinayaan Geeska Afrika iyo guud ahaan Bariga Afrika “Geeska Afrika waa biyo dhaca kala duwanaanshaha sida muhiimadda siyaasadda juquraafiyadeed, Diinta, taariikhda, dadweynaha iyo dhaqanka ayaa gobolka u horseeday khilaafka,” Sidaas ayuu ku yidhi waraysi uu bixiyay bishii November  waxaanu sheegay in diimaha Islaamka iyo Kiristaanku qayb ka yihiin khilaafyada iyo sidoo kale waddamada shisheeye ee danaha ka leh.

Waxa uu sheegay in hirdanka ka dhexeeya Sucuudiga iyo Iiraan, loolanka Khaliijka ee Qadar/Turki iyo Sucuudiga/Imaaraadka, danaha reer galbeedka ee gobolka siiba badeecadda badda marta ay mushkilad ku yihiin waddamada Geeska Afrika.

Waxa uu sheegay in mushkiladaha maxalliga ah sida xafiiltanka qoomiyadda Gambela ee galbeedka Itoobiya iyo bulshada Koonfurta Suudaan ka dhexaysa, xiisadda Canfarta iyo Ciisaha ee Itoobiya iyo Jabuuti, loolanka Oromada iyo bulshada Garraha ee Soomaalida, xurgufta Ogaadeen ee Soomaaliya iyo Itoobiya isku xoqda yihiin kuwa cagaha dhulka uga qaaday in siyaasiyiinta maxalliga ahi hore u socdaan maaddaama faro gelino lagu samaynayo Iyana is curyaaminayaan.

Waxa uu sheegay in loolanka waddamada Qadar, Turkiga, Iiraan iyo xulufada Sucuudigu faro gelin ku hayaan Soomaaliya, sidoo kalena Imaaraadka dantiisa dekedda Berbera kala kaxaysay Somaliland iyo Somalia. Waxa uu sheegay in faro gelinta Khaliijka ee dagaalka Yemen laga dareemayo gobolka Geeska Afrika.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.