Siciid Sulub Oo Walaac Ka Muujiyay Sida Xukuumadda Loogu Aamini Karo Doorasho Xalaal Ah Oo Dhex Marta KULMIYE Iyo Waddani

0

Hargeysa(Sayruuq)-Siyaasiga Siciid Sulub Maxamed oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa walaac ka muujiyay nooca uu noqon doono tartanka doorashada ee dhex mari doona xisbiyada Waddani iyo KULMIYE, isagoo xukuumadda ku xidhiidhiyay inaan lagu aamini karin doorasho xor iyo xalaal ah.

Md. Sulub, oo waraysi gaar ah uu shalay la yeeshay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inay ku tumatay shuruucdii dalka islamarkaana ay fadhiid ka dhigtay hay’adihii sharci iyo kuwa kale ee dawladeed ee madaxabanaanaa.

Siciid Sulub ayaa mar uu ka hadlaayey sida uu u arko khilaafka UCID ayaa yidhi “Aniga sida ay dadku arintaas uga fikirayaan ma qabo, Faysal iyo Jamaal ismay hayn ismayna qaban, Jamaal wuxuu ahaa ninkii u soo gurmaday Xisbiga UCID, isla markaana soo saaray, Faysal Cali Waraabe-na abaal gudkiisi uga dhigay Musharax Madaxweyne oo shuruudoodu ahayd, sida ay heshiiska ay ku galeen, Faysalna wuxuu yidhi waa Musharaxaygii, khilaafka waxa abuurtay Xukuumadda iyo Xisbigeeda, oo dan u arkaysay in Jamaal aanu maanta ka noqon Jamhuuriyada Somaliland, muddo dheer oo ay hawshan wadeen Xukuumadda iyo Xisbigeedu way ku guulaysteen, ilmaha caruurta ah ayaa arkaya oo wax la qarin karo maaha, si toos ah iyo si dadbanba inay Jamaal u reebeen wey ku tala galeen, ee khilaafku maaha Jamaal iyo Faysal ee waa Jamaal iyo Xukuumadda iyo Xisbigeeda, ugu danbayna u arkaysay in ninkaas dhalinyarada ahi aanu ku soo bixin, anaga Xisbigaygii UDUB haddii aanu ku heshiin lahayn in Jamaal Cali Xuseen musharax noo noqdo sidaas Xisbiga UCID u soo baxay ayaanu u soo bixi lahayn, kumaanu heshiin ee khilaaf baa na dhex yimid, ee Xisbigii labaad ee UCID ee uu gurmaday waa nasiib daro in maanta Xukuumadda iyo Xisbigeedu ay halkaas dhigaan, weyna muuqata”.

Siciid Sulub wuxuu sheegay inay xukuumadu ka talaabsatay xuduudihii sharci, waxaanu isweydiiyay sida xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo lagu aamini karo inay qabato doorasho xor iyo xalaal ah, isagoo sheegay inay xisbiga Waddani u taalo tallo culusi, waxaanu yidhi “Xukuumaddu wey u talisay Xisbigeedii, oo amar Xukuumadodeed ay ku kala qaybisay Xisbigii, oo Somaliland oo dhan baa arkaysay, oo amar baa lagu soo saaray Musharixiinta maanta jirta (Musharixiina Kulmiye), amar labaad baana lagu soo saaray UCID in qaarna la reebo qaarna la soo daayo, waxa maanta isku hadhay Kulmiye iyo Xukuumaddiisa iyo Waddani, Xisbi ahaan Kulmiye halkaas ha fadhiyo, laakiin Xukuumaddu inay xadidayso Xisbi walba iyo cidii Musharax u noqonaysa ee soo baxaysa ayaad moodaa, oo Hay’addihii Qaranka ee Maxkamadda sare ka mid ahayd ee Guddidu Diiwaangelintu ka mid ahayd way qiimo tirtay, oo waxay ka dhigtay go’aamadoodii waxba yahay wey wada baal martay, oo waxay ka dhigtay wax aan macno lahayn, wareegto iyo digreeto ayaa wax lagu soo saarayaa, marka cabsida maanta dalka ka jirta waxa waaye sidee ayey noqon doontaa Kulmiye iyo Waddani haddii tartan yimaado tartankaasi ma noqon doonaa mid xalaal ah, sida ay u eeg tahay wuxuu noqonayaa sida laga yeelay Kulmiye dhexdiisa iyo sida laga yeelay UCID dhexdiisa, marka nin la tumay ayey talo jirtaa, marka Waddani ayey talo u taalaa, waxa la yidhi doqonta usha agteeda ku dhufo, haddii ay garan weydana boga u geli, marka khatar baynu ku sugan nahay”.

Siciid Sulub mar uu ka hadlay in aanay Xukuumadda iyo sida uu arko ayaa yidhi “Xukuumad aan dhex-dhexaad ahayn oo aan Doorasho aan qaban Karin ayaa meesha fadhida, oo amaro ku bixinaysa waxay doonayso, oo Distoorkii iyo Sharcigii dalka laabtay, Hay’addihii Dastooriga ahaa macno tirtay, Maxkamadda iyo Guddidi Diiwaangelinta, waxna kuma ah in Guddida Doorashooyinka macno tirto”.

Siciid Sulub mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko wararka soo baxaya ee sheegaya in Xukuumaddo doonayso muddo kordhin oo Doorashada Madaxtooyadu dib u dhacdo ayaa ku jawaabay “Wax walba ka yaab, waxay caalamka galisay Xukuumaddu hal maalin loogu dari maayo Madaxweynaha haddana waa loogu daray, Xukuumaddani waxba ka xishoon bayso, dhaqankii dawladnimo wey lumisay, waxa inoo hadhay marxalad fowdo, balse dadka diidan inay fowdo dhacdo, laakiin Xukuumaddani maaha Xukuumad dadka kalsooni ka haysta oo waxay tidhaahdo ku soconaysa, laakiin Xukuumad amar ku taaglaynaysa oo dadka taliya aynaan garaynin ayaa meesha joogta, ka yaab oo ha fogeynin inay kordhistaan”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko hadalo ay Masuuliyiin ka tirsan Kulmiye ay ku durayeen muddooyinkii ugu dambeeyey Siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa wuxuu ku jawaabay “Markii ay arkeen in XIsbiga Waddani dadkii mudakarka ee reer Somaliland ee Gobolada dalka oo dhan ay ku soo biireen, ayey Ragga qaar dhaleecayn u sameynayaan, Xamar Rag tagi jiray wey jiraan, oo ka soo noqon jiray, waxayna u badan yihiin maanta Xukuumadda Kulmiye, Rag isku sharaxay Madaxweynaha Somaliya ayaa jira, Rag xilal ka soo abtay ayaana jira, waxaana ka mid ah Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo Prof: Sifir, aragtidooduna wixii Kulmiye soo galaa ee Xamar ka yimid waa xalaal, wixii Xamar ka yimid ee Waddani soo galaana waa xaaran, Ragga caynkaasi lihi nabaro hore ayey faqayaan, oo waa kuwii dadku hore ugu kala qaybsamay Marya-aloolka iyo Maleeshiya, waana laga heshiiyey in waxaas la soo celiyana maaha, waxaana qabaa in qoladaas Maleeshiya lagu sheegi jiray wax naf leh Xamar kumay hadhin, laakiin reer Koonfureedku waxay jecel yihiin qoladayadii marya-aloolka ee aan anigu ka tirsanaa, Raysal-wasaarayaasha ugu dambeeyey ee is bedelay waa Marya-aloolkii, Ragga meesha tagaa waa Xukuumadda Kulmiye Raggii ka tirsanaa Hay’adda kasta ha ahaadeen, Agaasmiyaasha ha ahaato, Qareeno Guud, Aqoonyahano ha noqdeen,waxa taga ee laga jecel yahay waa iyaga, wada hadalada daciifka ah iyo Turkiga leh Somaliya ayaan saacidaya cida ku soo jirtaa waa Kulmiye, marka kalmadahaasi waa kalmado daciif ah oo ku tusaysa in dhabaro hore oo laga bogsaday la xogayo, waana habar dhali weyday alaale ku waalatay”

Mar aanu wax ka seydiinay sida uu arko hadalkii ka soo yeedhay Safiirka Turkiga ee Somaliya wuxuu ku jawaabay “Qunsulka inala jooga Xamar baa laga

xukumaa,Dawladnina waxay taageertay midnimadii markii ay aqbashay in Wakiilka Turkiga ee halkan jooga Xamar laga xukumo, Dawladdani waxay aqbashay inay heshiis midnimo la gasho Somaliya markii ay wada hadalada Ingiriiska ka soo rartay, oo lixdii qodob iyo shirkii Ingiriiska ka bilaabay ee sida wacan u socday ka soo rartay, una soo rartay Turkiga oo aan kala tag ogoleyn oo dalkiisa ka jirto mushaakilkaasi oo diidan kala taga, hoosta ayey ka gashay, oo dhaqaale ayey ka raadinaysa, Xukuumaddana wey u suurtagali weyday midnimadu ee bari hore ayey abuuri lahayd, waxayna midnimadu ka suurtagali la’dahay reer Koonfureedka oo aan ogalayn midnimadan, ee Xukuumaddani wey dhamayn lahayd, anigu waxaan ku talinayaa haddii la doonayo wada hadal hagaagsan oo inaga iyo koonfuri ku kala tagayno ha laga raro dhexdhexaadinta Turkiga, oo Ingiriiska ha lagu celiyo.”

Siciid Sulub mar uu ka hadlaayey abaaraha dalka ka jira ayaa yidhi“ILLAAHAY ha inoo sahlo, abaaro xun baa jira, oo sabanadan aynaan arag, abaartuna wey kala daran tahay,haddii ay biyo la’aanuun tahay dadku meel ay biyo ka keenaanba wey isku gurmadaan, laakiin abaarta ugu halisaysani waa marka uu dhulku xaalufo oo xooluhu waxay cunaan waayaan, oo ay xooluhu dhintaan, waxa ku xiga dhimashada dadka, marka sida ay u eegtahay waa abaar khatar ah, oo dhulkii dhintay, oo uu xaaluf noqday, haddii xooluhu dhintaana wxaa khatar ku jira dadka, marka haddii aynu nahay Somaliland waxaynu ku nool nahay oo aynu ku tiirsan nahay waa xoolaha nool, haddii xooluhu meesha ka baxaana halis baynu ku jirnaa, marka ugu horeysa ILLAAHAY baa gacan weyn ee waxaynu ILLAAHAY ka baryeynaa inuu abaarta inaga soo jabiyey.”

Siciid Sulub oo mar uu Xukuumadda fariin ku saabsan abaaraha u diraayey wuxuu yidhi “Xukuumaddana waxaanu ugu baaqaynaa qorshihii loo baahnaa in loo sameeyo abaarta noocan ah si loogu gurmado , kama muuqato ee in gurmad la sameeyo weeye, waan arkaayey xoolo bayac-mushtar laga qaaday Xukuumaddu waxay ku baaqday inay kayd dhaqaale u sameeysay qaranka, haddii uu kaydkaasi jiro waa kaydkii maanta oo kale lagu baxsan lahaa in Caalamka loogu baaqo weeye, in hawsha aad loogu deg dego oo aan la yareysan weeye, haddii xooluhu baxaana nolosha dadka reer Somaliland khatar bay galaysa, waxaanan dadka ugu baaqayaa xagga ILLAAHAY u carara, oo ILLAAHAY barya, oo dunuubta iska ilaaliya, oo xanta, beenta iyo nifaaqo u badan yihiin, oo ILLAAHAY ha loo noqdo, Xukuumaddana waxaan leeyahay dedaalka kordhiya.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.