SI XUN WAX U SHEEG SIXIR KA DARAN.

0
“Wax Dheeraad Ah Oo Ay Sidato Beesha Dhexe Oo Golaha Wakiillada Ahi Ma Jirto,” Cabdillaahi Jawaan

SI XUN WAX U SHEEG SIXIR KA DARAN. Waxaan u Soo Qaatay Maah-maahda Sababta Mowjaddaha isgu Jira: Qoraallada, Sheekooyinka, Faallooyinka iyo Murannada oo dhamaantoodba ka Abuurmay Buugga uu Qoray: Xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiirkii Hore Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Haddana Ku Magacaaban Hoggaamiyaha Xisbiga Wadani ee Jamhuuriyadda Somaliland Buuggaas oo Loo Bixiyey: MIYI ILAA MADAXTOOYO. Haddaba Markaan: Daawadday, Dhageystey, Akhristayna Waxay ila noqotay: In aan Dadka Arrintan Ku Fooggan iyo Xukuumadda u Soo Jeediyo Talooyinka: Dadweynaha Waxaan Kula Talinayaa in ay Buunbuuninta arrintan yareeyaan wixii xajiin iyo Ku-Xumee ahna La Joojiyo inta Laga Xaqiijinaayo Labada Arrimood ee Kala ah: 1. Caafimaad Xumda Xusuuseed iyo 2. Xilgudasho La’aanta: Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Aadan Siiraanyo Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland oo Baal Dahabi ah Ku Leh Ummadda Soomaalida ah Gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu Hogaanka u Hayo Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Waxaan Talo ahaan u Soo Jeedinayaa in Arrinta: Xusuusta Luntay ee Xirsi ku Sheegay Buuggiisa Markii uu ku qoray in ay Go’aansadeen: In Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Ku Hogaamiyaan kuna Xukumaan Qoys ahaan Si Loo Daboollo: Xusuusta Luntay iyo Xilgudasho La’aanta Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud in Lagu Sameeyo Baadhis Natiijadeedu Noqon karto: 1. In Xusuusta Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Fiicnayd oo Buuggu ka Been Sheeggay 2. In Xusuusta Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Luntay oo Haddii La Caddeeyo ay Noqon karto Khiyaamo Qaran oo Xirsi Muujiyey in uu Sameeyey. Sideedabana Waxaa Reebban: In Laga War-Sheekeeyo Caafimaadka Qofka ( The Medical Records of the Patient ).

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.