Shuruuc Hagta Nidaamka Maaliyadeed Ee Somaliland Oo La Samaynayo

0

Hargeysa(Sayruuq) Suuqyada Somaliland waxa in dhawaydba ka jiray Sicir barar baahsan oo saameeyay nolosha dadka, iyadoo qiimaha Shilinka Somaliland uu gaadhay halkii ugu hoosaysay in muddo ah. Qiimaha doollarka ayaa gaadhay halkii u sarraysay isaga oo sannado kooban kor ugu kacay ilaa haddana aanay jirin wax lagu qabtay.

Si haddaba xal loogu helo arrimaha sicir bararka, waxa shalay Hargeysa lagu soo gabogabeeyay shir saddex maalmood socday oo lagaga doodayay sidii xeerar loogu heli lahaa hagidda nidaamka maaliyadda oo uu ku jiro Xeer loo samaynayo adeegga lacagta telefoonnada la isugu diro.

Agaasimaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa sharraxay xeerarka loo samaynayo xawaaladaha, bangiyada iyo lacagaha telefoonnada lagu qaato “Ujeedada shirku waxay ahayd wax ka bedel iyo kaabis lagu samaynayay xeerka baanka dhexe, xeerarka baannanka Islaamiga ah iyo sidoo kale laba xeer oo kale oo qabyo qoraal ahaa oo baarlamaanka yaalla oo aanu iyagana doonayno in aanu wax ka bedel ku samayno iyo xeerka lacagaha telefoonka la iskaga diro(Mobile Money) oo aanu imika curinay, shanta xeer ayaa lagaga hadlayay oo aanu isugu yeedhnay dhammaan daneeyeyaasha sida: Jaamacadaha, Baananka iyo Xawaaladaha,” Sidaas ayuu yidhi agaasimuhu.

Waxa uu si gaar ah uga hadlay xeerka lagu maamuli doono adeegyada Zaad iyo E-Dahab ee telefoonnada “Xeerka aanu u samaynayno lacagaha moobilka la isugu diro ee ay Waddankeena ka shaqeeyaan Zaad iyo E-Dahab oo aanu horeba ula soconay in ay si fiican u shaqaynayaan haddana waxa loo baahan yahay maaddaama ay horumar badan sameeyeen, maaddaama ay lacago badan dhexmarayaan oo hanti badan oo umaddeed ay hayaan waxaa loo baahan yahay xeer lagu maamulo si loo ilaaliyo hantida umadda, iyagana ay ugu noqoto mid laga warbixiyo oo dunidu ogaato in shirkadahaasi yihiin kuwo hufan si waafaqsan xeerarka caalamiga ah u shaqeeya,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha.

Xeerarkan ayaa lagaga hor tagaya in lacago foojari ah la soo saaro iyo in argagixisada, budhcad badeeda iyo wixii la mid ahi isticmaalan xawaaladaha dalka. Waxa la rajaynaya in ay xeerarku hagaan nidaamka maaliyadeed ee Waddanka oo sixir barar la maarayn waayay ka taaggan yahay.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.