Shufto Hubaysan Oo Deegaanka Widhwidh Afduubtay Gaadhi Ay Leedahay Shirkada Somtel .

0

Burco(Sayruuq):Koox Hubaysan Oo Ku Sugan Deegaanka Widhwidh Oo Ka Mida Gobolka Bohoodle Ayaa Maalintii Shalay Ahayd  Ku Afduubtay Deegaankaasi Gaadhi Ay Leedahay Shirkada Isgaadhsinta Casriga Ee Somtel Oo Waday  Shaqaale Ka Tirsan Shirkadaasi .

Gaadhigani Ay Afduubteen Kooxdani  Hubaysan Ee Ku Sugan Deegaanka Widhwidh Ayaa La Sheegay Inay Ka Tageen Magalada Burco Si Ay Uga Hirgalinyaan Degaankaasi Baladhin Adeega Isgaadhsinta Mobilada Iyo Internetka Ay Bixiso Shirkada Somtel.

Kooxdani Hubaysan Ayaa La Sheegay Inay U Haysataan Gaadhi Hub-waday Oo Dhawaan  Ay Kale Wareegtay Dawlada Somaliland ,Kuna Sheegay Inay U Haysataan Gadhigan Shirkadu Leedahay Gaadhigaasi .

Shabakada Wararka Ee HadhwanaagNews Ayaa La Xidhiidhay Qaar Ka Mida Dad Ku Sugan Deegaanka Widhwidh Ayaa Si Isku Mid Ah Ugu Xaqijiyay Inay Koox Dablay Ah Oo Ku Sugan Deegaanka Widhwidh Ay Afduub u Gaysateen Gaadhi Ay Leedahay Shirkada Somtel Walina Ay Haystaan

 

Kooxdani  Dabalayda Ayaa La Sheegay Inay U Afduubeen Gaadhigan Ay Leedahay Shirkada Isgaadhsinta SoaHubsiday Oo Ay Gacanta Ku Dhigtay Dawlada Somaliland.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.