Shirqoolka Yuusuf Dirir Cabdi: “Nimaan ku aqooni ku ma qiimayn karo!”

0

“Kuwa libinta geerida ka dayey way gedmanayaan”- Faarax Murtiile.

Shalayto galab Sabtidii (23/05/2015) ayaa shirqool toogasho ah lagu diley xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi Ciise maqaalada Muqdisho. Alle ha u naxariisto’e, Yuusuf waxa uu ka laabtay London toddobaadkii hore uun. Sida qaalibka ah muddadiiba mar ayuu marxuunku soo siyaaran jirey xaaska iyo carruurtiisa oo magaalada London ku nool. Bishii April 2015 ayay ahayd booqashadiisii ugu dambaysay ee aanay booqasho kale ka dambayn doonin!

Dhambaalkan baroor-diiqda ah waxa aan uga gol leeyahay laba arrimood oo ka baxsan sii sagootiga iyo waddaca Yuusuf Dirir Cabdi (AHUN) oo berrito Isniinta (25/05/2015) aas qaran loogu samayn doono magaalada Muqdisho, labadu na waxa ay kala yihiin: 1) Aniga oo u lahaa aqoon shakhsi ah oo qoto-dheer oo damiirkaygu igu dudduucayo in aan qalinka qaato oo Yuusuf Dirir aqoontaan u lahaa iyo sooyaalkiisa soo gudbiyo mar haddii uu maanta yahay dayax galbaday oo dhacay iyo 2. Geeridu waa xaq iyo la ma huraane, sida shirqoolku u haleelay ee xaq-darrada iyo gacanta ka gardarani ugu gabbood faleen!

Yuusuf Dirir, waxa aan u lahaa aqoon baahsan oo ku dacal-dhebaysa qofnimadiisa, dabeecadddiisa, dad-la-dhaqankiisa, mabaadidiisa, geddiisa iyo si’araggiisa.

Shan iyo tobankii sannadood ee ugu dambeeyey waxa naga dhaxeeyey xidhiidh sokeeye iyo dood-wadaagnimo, falanqayneed iyo wax wada gorfayneed, si kasta oo aannu ugu kala duwanayn araada iyo afkaarta inteeda badan.

Sannadkii 2000 markii aan London imid waxa aan ku soo degey gurigiisa oo aan ka guursaday, kuna aqal galay. Laba sannadood ayaannu habeen kasta isu mar iyo gar furan jirnay oo aannu ka wada doodi jirnay mawduucyo culculus oo xasaasiyad iyo is diiddooyin miidhan ah.

Ilaa maalintii aan garaadsaday magaca Yuusuf Dirir noloshadayda wuu ku lammaanaa. Maan Yuusuf Dirir iyo Qaybdiid Yuusuf Dirir, ayaannu Hargeysa dugsigii hoose isku Qudhac-dheer wada ahayn. Ardaynimada ma ahee, waxa noo dheeraa oo naga dhexaysey saaxiibtinnimo qoys iyo qaraabennimo. Hase yeeshee xilligan London aannu isugu nimi ayaa barashadayada ballaysinkeedu ahaa oo ay ka ambabaxaysaa.

“Kala duwanaanta iyo is-diiddooyinka afkaareed, aragtiyeed iyo ra’yi mabda’ ku salaysan oo lagu kala geddisan yahay waa isiirro aan dacarayn karin, goyna karin oo xumayn karin is ahaanshaha, ehelnimada iyo gacalnimada ka dhaxayn karta laba qof ama in ka badan”!

Yuusuf Dirir Cabdi (AHUN) waxa aan ka bartay in iyada oo lagu kala duwan yahay afkaarta iyo mabaadida guud in haddana la wada noolaan karo nolol sharaf iyo milge dadnimo ka buuxaan leh oo is qadderin, is tixgelin, is maamuus, is waaceensi iyo is weheshi maan iyo muuq ba leh.

Muddadii aannu wada noolayn waxa aan u bartay in uu Yuusuf yahay siyaasi garaadkiisu u bisil yahay wax wada gorfaynta iyo naqdiga waxyaalaha lagu kal duwan yahay. Gu’ iyo garaad ba aabbe san ayuu iigu ahaa oo annaga oo kala saaran laba buurood oo iska soo horjeeda oo “kala acuudu billaysanaya” ayuu haddana suurta gelin jirey in aanay taasi saamayn taban ama xun ku yeelan wada xidhiidhkayaga iyo ehelnimadayada Alle nagu dhex beeray ee wax kasta oo kale ba ka horraysey, taas oo hanaqaadday oo keeni jirtay haddii aannu muddo kala maqnaanno in aannu isu soo jeelno oo xiisno annaga oo og in aannu afkaarta ku kala geddisan nahay.

Waxa igu soo dhaci jirtey marka aannu Yuusuf doodayno qawlkii Cilmi Boodhari ee ahaa: “Waxa caynba cayn looga dhigay hays cajebiyeene!! Waxa aan ka bartay Yuusuf Dirir in kala duwanaanta aragtiyeed maskaxda ballaadhiso oo furfurto, wadaajisana dhacdooyin isku murugsan oo is wada diiddan kala jihayntooda ama is waafajintooda.

Mar kasta oo Yuusuf Dirir Soomaaliya ka soo laabto waannu kulmi jirnay oo is waraysan jirny, aniga oo u xiise qaba la kulankiisa iyo la sheekaysigiisa. Waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeedda ee gooni-isu-taaggu ka degi waayey ee raadinta Soomaali midnimadeeda ku foogan.

Yuusuf waxa uu ahaa nin hadal cad oo aan badheedhihiisa cidnaba kala gabban. Waxa uu ahaa nin hal-adayg maskaxdiisa ka buuxo oo aan laga leexin karin majiirihiisa iyo waddada uu raacayo.

Hase yeeshee labadii door ee ugu dambeeyey ee uu London soo siyaarto, wax badan ayaa Yuusuf dareenkiisa laga akhrisan karayey, wax badanna wuu iiga deex warramay. Niyad jab badan oo aanan hore wejigiisa iyo ereygiisa uga la kulmi jirin, ayaan siiba doorkan ugu dambeeyey Yuusuf Dirir ka arkay.

Gurigiisa ayaan ku booqday dhammaadkii April 2015. Laba saacaddood ayaannu wada sheekaysannay. Rajo xumo badan buu Soomaaliya iiga muujiyey. Waxa erayadiisii aan ka xasuustaa oo ka mid ahaa “maanta maalin ay ka liidato noloshayda ima soo marin. Casaabad isku xidhan oo haddii sacabka loo tumi waayo in ay xabbad kugu dhuftaan aanay wax ba la ahayn ayaa la abuuray oo ka hanaqaadday!”

“Dawada kulka cadceedda ku sugan iyo dhaqdhaqaaqa nool ka mid ahaantiisa ayaa ii jiidaysa oo Muqdisho oo aan la qabsaday oo aanan ka maarmayn igu wada iyo haddii aan halkan (UK) joogo oo aan ka baqayo in aan fadhiisto oo jidh iyo maskaxba caansiir iyo caas iga galaan, iyo meel kale oo aanan hadda qaban karin oo aanan la jaanqaadi karin weeye qasdigaygu”, ayuu Yuusuf Dirir sheekadiisa iigu daray.

“Wax badan baa idinka (Somaliland ahaan) idinka xun ee wixiinna ku fara adayga oo hagaajista” ayaa sarbeebaha Yuusuf ka mid ahaa oo wuu iga hooseeyaaye run ah oo aan mid been ahi ku jirin! In sahankii midnimo ee Soomaalidu ribbatey ayay arrintu daarranayd, weli se Yuusuf ma ahayn nin ka quustay midnimadaas, waayo mar walba waxa uu igu soo celcelin jirey “r’iyo haddii ay dib leeyihiin dabadooda ayay Maxamedow ku qarsan lahaayeen”. Qabyaaladda siyaasadaysan ayuu Yuusuf necbaa, ma aanu qarsan jirin oo waxa uu odhan jirey reerna dawlad ma dhisi karo, mana noqon karo qaran caddaalad iyo horumar lagu eerto sameeya.

Yuusuf Dirir waxa noo socotay wada gorfayn taariikheed oo ka soo jeedda ilaa xilliyadii gobannimo-doonka, xukuumadihii rayadka ahaa, Kacaankii iyo abuurankii mucaaridka, siiba abaabulkii hore ee SNM oo Yuusuf xogogaal u ahaa. Waxa uu ii sheegay kulankii isugu kaaya dambeeyey ee bishii hore in uu doonayo in uu qoraallo taariikh oo gacanta uu ku hayey sii daraaseeyo oo buug ahaan u soo saaro, Alle se ma qadderin.

Taariikh-nololeedkii Yuusuf Dirir Cabdi (1935 – 2015)

Yuusuf Dirir Cabdi (AHUN) waxa uu ku dhashay Xagal oo ku taalla duleedka magaalada Ceerigaabo dhinaceeda koonfureed sannadkii 1935. Malcaamadda Qu’aanka waxa uu ka bilaabay Ceerigaabo maddarasadii Sheekh Dalmar Axmed Maxamuud oo lagu baran jirey qur’aanka, Carabida, naxwaha iyo xisaabta.

Aabbihii waxbarashda casriga ah Maxamuud Axmed Cali (AHUN) ayaa hoosta xarriiqay oo yidhi sida aan looga-qaateenka afkiisa ka soo qaaday “kuma hawshoonno ardayda aannu Maddarasada Sheekh Dalmar ka soo qaadanno!”

Sheekh Dalmar Axmed Maxamuud AHUN waxa uu ku geeriyooday Hindiya June 1991. Waxa Sheekh Dalmar na laga hayaa in uu yidhi “ragga aan wax baray laba nin baan hamadooda la yaabaa: waa Yuusuf Dirir Cabdi iyo Maxamed Saalax Cismaan!” Labadooda ba AHUN.

Waxbarashada hoose waxa uu Yuusuf Dirir ka bilaabay Dayaxa, ta dhexe na Sheekh. Dugsiga sare waxa uu ku dhammaystay cammuud 1957. Waxa ay Yuusuf Dirir isku sannad ahaayeen rag ay ka mid ahaayeen Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Cali Cabdilqaadir, Cali Khaliif Galaydh, Qaalib Muuse Caafi, Maxamuud Axmed Cali Saalax iyo Cabbaas Maxamed Dhoorre.

Jaamacadda waxa loo soo wada diray 1958 oo ay UK wax ka wada barteen Axmed Siilaanyo iyo Sulaymaan Maxamoud Aadan. Qaalib Muuse iyo Maxamuud Axmed na waxa loo diray American University in Beirut, Lebanon. Cali Khaliif na USA. Yuusuf Dirir Cabdi waxa uu ka bartay culuunta dhaqaalaha jaamacadda Reading.

Markii uu waddanka ku laabtay oo xornimadii na la qaatay, lana mideeyey Soomaalidii Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxa uu qunsulnimo ka bilaabay safaaraddii Soomaalida ee Addis Ababa. Waxa kale oo ka shaqeeyey Ururka Midowga Afrika (OAU). Markii uu Kacaanku dhashay waxa uu ku soo laabtay waddanka, waxaanu madax ka noqday xafiiska xidhiidhka caalamiga ah ee wasaaradda arrimaha dibedda. Muddo ka dib na waxa loo wareejiyey xafiiska hab-raaca maamuska diblomaasiyadeed ee madaxtooyada, isaga oo Jaalle Maxamed Siyaad hab-maamuuska u qaabbilsanaa.

Horraantii 1970-aadkii waxa Muqdisho isugu yimi madaxda Afrika. Yuusuf Dirir oo hab-maamuuska qaabbilsanaa waxa uu madaxweynaha oo shirka guddoominayey uu diyaariyey qoraal ay ku cad yihiin wixii hab-raac maamuus iyo soo dhowayn ahaa ee ay tahay in madaxweynuhu raaco, maaddaama odaygu askari ahaa.

Nasiib-darro, waxa looga-qaateenku caddeeyey in Maxamed Siyaad baal maray oo qarda-jeexay hab-maamuuskii oo halkii uu madaxweyne kasta magaciisa oo dhammaystiran iyo dalkiisa is raacin lahaa marka uu mikrofoonka ku soo dhowaynayo, ayuu adeegsaday dalkii oo keliya isaga warqaddii iska dhaafay oo kol ba waddan afka uga yeedhaya (marna Nayjeeriya, marka Ugaandha…. Oo ku soo dhowow mikrofoonka leh). Yuusuf iyo madaxweynuhu in ay arrintaas oo keentay bahdil siyaasadeed isku jiidheen ayaa la weriyey. Yuusuf sida aan u bartay waxa uu ahaa nin hadal cad, xaruuri ah oo hal-adaygiisu badan yahay, iskuna kalsoon oo han leh oo aan cidna u hamran.

Wax yar ka dib, Yuusuf Dirir waxa loo taxaabay jeelka. Xabsigii Laanta Buur oo u dhaxeeyey Afgooye iyo Jannaale ayaa Yuusuf lagu xidhay qol suke ah kelidii la geeyey. Dhawr sannadood ayuu qoobad yar ku xidhnaa kelidii oo aanu cid la hadal, buug iyo jaraa’id uu akhristana aan loo oggolayn, idaacad uu dhegaystana ha soo hadal qaadin.

Mar Yuusuf qolkaas uu ku xidhnaa wax laga waydiiyey xaaladdiisii, waxa uu ku jawaabay “adiga iyo maskaxdaada ayaa isku soo jeesanaya oo hoos isu cunaya. Si aanan anigu isugu mashquulin waxa aan hawl ka dhigan jirey in aan maalin kasta toban jeer marna maydho, marna kalena hurhurgufo oo wadhwadho garamadayda, sharabaaddadayda, masarradayda, nuguustayda iwm!” Laanta Buur waxa ku xidhnaan jirey Cabdi Aadan (Qays), waana halkuu ku hal-abuuray maansadiisa Darmaan ee dameerka ku saabsan.

1975 ayaa Yuusuf Dirir xabsigaas laga soo beddeley oo loo soo wareejiyey xabsigii kale ee Gaal-shire. Labada qoraa ee Siciid Jaamac Xuseen iyo Rashiid Sh. Cabdillaahi X. Axmed (Gadhweyne) ayaa xabsigaas loogu keenay oo ay isku qol joodariyo ku seexan jireen oo muddo ku wada noolaayeen, kuna wada rafiiqeen. Labada qoraa ba waxa ay si kala duwan iigu caddeeyeen in Yuusuf Dirir ahaa nin badheedhe cad oo waxa uu doonayo aan ka gabban, cidna ba na aan uga haybadaysan oo hal-adag. Waxa uu ahaa bay yidhaahdeen nin aad mooddo in siyaasadda Alle u abuuray oo firfircoonaan dhiiftoon iyo madbaadi uu ku qanacsan yahay oo hor socota lahaa.

Rag badan ayaa 1975/76 saamaxaad lagaga sii daayey xabsiyadii siyaasadeed ee ay ku jireen. Yuusuf Dirir raggaas ayuu ka mid ahaa. Kenya ayuu markii ba u baxsaday. Isaga (Yuusuf Dirir) iyo rag kale oo ay ka mid ahaayeen Cabdiraxmaan Saalax Axmed oo ahaa Jaamac Saalax Axmed (Jaamac Midhiq) walaalkii (AHUN), Cismaan Nuur Cali Qonof (Reer Gaalkacayo ahaa) iyo Maxamuud Geelle (Reer Muqdisho ahaa), ayaa yagleelay mucaaridkii ugu horreeyey ee Soomaalida, waxanay aasaaseen Somali Democratic Action Front (SODAF).

1978 waxa uu Yuusuf Dirir (AHUN) u wareegay Sacuudi Areebiya, isaga oo ku safraya baasboor qaxootinnimo siyaasadeed oo Barwaaqo Sooranku (Common Wealth) siiyey. Waxa uu shaqo sarkaalnimo ka bilaabay Saudi Airlines. Muddo markii uu halkaas ka shaqeeyey ayaa la khaakhuulay. Dawladdii Siyaad Barre ayaa ka war heshay oo dabaylo siyaasadeed ku kicisay. Waxa uu ku sigtay in la masaafuriyo. Kenya ayuu u baxsaday. Waxa uu iska beddelay baasboorkii qaxootinnimada oo dhalasho Soomaali ahi ugu qornayd, ahaydna waddada loo soo raacay khaakhuuliddiisa. Baasboor qaxootinnimo oo dhalasho Eretrea leh ayuu qaatay.

Horraantii 1980-kii ayuu Qadar u soo dhoofay. Shaqooyin kala duwan oo heer agaasime iyo isu duwe maamul ah ayuu ka qabtay Nissan iyo Toyota Companies. Muddo ka dib, waxa uu ku laabtay Sacuudi Areebiya. Magaalada jubayl ayuu isu duwe ka noqday maamulka shirakadda Xadiidka, halkaas oo uu qaatay darajadiisa hawl-qabnimo (pension) 1997. Sannadkaas ayuu u soo haajiray waddanka Ingiriiska. Waxa isaga iyo carruurtiisa qayb ka mid ahi degeen Koonfurta Bari ee magaalada London.

Ku dhowaad labadii tobanle ee ugu dambeeyey, waxa uu ku mashquulsanaa arrimaha siyaasadda Soomaaliya. Fadhigiisu waxa uu u badnaa tobanlihii u dambeeyey Niarobi iyo Muqdisho. Waxa uu ka mid noqday xubnaha barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shalayto (23/05/2015) ayaa gacan ka xaq darni oo gardarro shirqool haad-ka-roornimo oo fulaynimo ugu maleegtey magaalada Muqdisho oo geerida xaqa ahi ku haleeshay, una qudh-baxay xabbadihii arxanka darraa ee xaaduqnimo ee ka soo gaadhey weerarka shirqoolkaas, si la mid ah shiqoolkii Saado Cali Warsame ee kal hore. Yuusuf iyo Saado waxa ay wadaagi jireen hadal caddaanta iyo dhiirranaanta aanay labadoodu ba kaga waaban jirin wixii ay doonayaan ama ay diidayaan.

Kuwa libinta geerida ka dayey way gedmanayaan!”

Yuusuf Dirir waxa uu ifka kaga tegey 9 carruur ah oo ka kooban siddeed hablood iyo wiil ku kala nool iyaga iyo intii ay dhaleen ba Somaliland, UK, Canada iyo France.

Berrito ayaa Yuusuf lagu aasi doonaa Muqdishadii lagu dilay. Alle ha looga baryo in uu naxariistii janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisii, ehelkii, asxaabtii, qaramada Somaliland iyo Soomaaliya, runta iyo badheedhaheeda, kuwii shirqoolay na Ilaahay calaamo ha ka ifiyo. Aamiin.

Yuusuf Dirir Cabdi: Hal-adayg iyo hadal-caddaantii isir ka mid ah oo ifka ka hoydey oo ka hayaamay! AHUN.

Hadda markii aan maqaalkan baroor-diiqda ah dhammeeyey ayaan maqlayaa war rasmi ah oo xukuumaddu soo saartay oo caddaynaya in ciidamadda amnigu dileen Yuusuf Dirir iyo darawalkiisii si u mas’uuliyad xumo lagu tilmaamay.

Waa tibaaxdii ugu horraysay ee ka soo yeedha xukuumadda, iyada oo hore na Alshabaab oo wixii la dilo ba lib ka dhigtaa u sheegteen dilkaas in ay iyagu ka dambeeyey. Weli se waxa maqan xog badan iyo in la helo sababta iyo xaqiiqada shirqoolkaasi u dhacay. Lagu ma qanci karo warkan caawa xukuumaddu soo saartay sida loo dhigay, iyada tuhunno soo kordhayaa jiraan.

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

facebook.com/baadisooc

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.