“Shirkaddaha Waaweyn Ayaa Dhammaan Waddooyinkii Caasimadda Bakhtiiyay,” Maayar Xigeenka

0
“Shirkaddaha Waaweyn Ayaa Dhammaan Waddooyinkii Caasimadda Bakhtiiyay,” Maayar Xigeenka

“Shirkaddaha Waaweyn Ayaa Dhammaan Waddooyinkii Caasimadda Bakhtiiyay,” Maayar Xigeenka
Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne oo ay weheliyaan Maayar Cabdiraxmaan Soltelco iyo xoghayaha dawladda hoose waxa uu sheegay in shirkaddaha laydhka iyo dad kale oo uu tuhunsan yahay bakhtiiyaan laydhka ay ku xidhaan jidadka Hargeysa.

“Waxa nagu dhacday in dhammaan jidadkii caasimadda la bakhtiiyay oo ay shirkadaha waaweyn ee laydhka qaar ay bakhtiiyeen. Waxaanu leenahay haddii ay maanta dar Illaahay wax u noqoto (Sollartu) haddii ay nin waalan tahay, haddii ay gaadhi jiidhay tahay tallaabo ayaanu ka qaadayna,” Sidaas ayuu yidhi Cabdicasiis Cagaweyne.

Geesta kale waxa uu Mr Cabdicasiis si xamaasad leh u difaacay waxqabadka maayarka Hargeysa inkasta oo aanu sheegin wax qabad muuqda marka laga reebo dabdamiska caasimadda.

Bulshada oo baraha bulshada kaga falcelisay hadalka Maayarka ayaa u muuqda in ay ku mededaalanayaan weedhaha Mr Cagaweyne oo isaga oo waxqabadka dawladda hoose ka sheekaynaya ku daray in ay tacsiyeeyeen qoys dhawaan guri ka gubtay. taas ayaa keentay in bulshadu si maad ah uga falceliso iyada oo qaarkood waxyaabo qosol ah ku dhex daraya muuqaalkiisa.

Warbixin Hore..

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.