Shirkadda TELESOM oo Xidhay Waddo Laba Haad ah oo ku Taalla Faras-magaalaha Hargeysa

0

Hargeysa(Sayruuq)-Shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM,ayaa daar ay dhisanayso u xidhay waddo halbowle u ah isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha caasimadda Hargeysa oo laba haad ah, ka dib markii ay ku rogatay ciid iyo jay kuna qooshtay badhtamaha waddada sibidhkii, jidkana ku jartay wiishash sibidhka u qaadayay.

Waddada ay xidhatay shirkadda TELESOM oo ah wadada hor marta Khayriyada Hargeysa ee dhinaca bari ka marta Baanka oo isku xidha wadada wadnaha caasimadda iyo waddada labaad ee marta Jeelka weyn hortiisa.

Waddadan oo aan la garanaynin muddada ay u xidhnaanayso shirkadda TELESOM oo dhibaato weyn ku keentay isu socodka gaadiidka oo markii horeba waddo yaraantu hakad gelin jirtay habsami u socodkooda, ayaa noqotay hadal hayntii ugu weynayd ee shalay dadka caasimadda Hargeysa ee arkay ay is waydiinayeen.

Waxaanay dhibaato ku noqotay shalay gaadiidka iskaga gudbayay labada laami ee waddadani ay isku xidho oo midba dhan keliya ay uga socdaan Baabuurtu.

“Daqiiqad anigu kuma ammaan helayo haddaan kaariyoonkaa Liinta iyo Muuska ah isla taago,laakiin iyagu (TELESOM) lacag ayay haystaan,”Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dhallinyada ka ganacsada khudaarta kaaryoonada lagu dul iibiyo oo ku hungoobay in uu jidkaas xidhan maro, ka dib markii wiishash iyo shaqaalihii dhismaha ee shirkadda u shaqeynayay ay xidheen waddadaas.

Sidoo kale, gaadiidleyda ayaa iyaguna wax lala yaabo ku tilmaamay sababta dawladda hoose ee caasimaddu ay tallaabo uga qaadi wayday shirkaddan jidka xidhay.

“Ganacsatadeenii waa kuwaas sidan foosha xun u dhaqmaya ee xidhanaya jidkii la marayay, mana jirto dawlad hoose ama ciidanka nabad-gelyada waddooyinka oo wax ka qaadi karaa. Adduunka waa dambi in la xidho jidadka sidan oo kale muhiimka ah,”sidaasna waxa ku tiraabay nin ka mid ah dadkii baabuurta watay ee dib uga noqonayay jidkaas xidhnaa. Maaha markii ugu horraysay ee shirkad ganacsi ay waddo halbawle u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka caasimadda Hargeysa ay u xidho daar ay dhisanayso.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.