Shirkadda Somcable Oo Saamigii Xadhiga Internetka Djibouti Shirkadihii kale Somaliland iyo Somalia lagaga Reeyay

0
Alcatel-Lucent contractors lay the East African Marine Cable (TEAMS) fibre optic cable on the Fujairah shore-end, April 10, 2009. Foreign navies have agreed to protect a vessel installing an undersea high-speed Internet cable from pirates off the coast of Somalia, a Kenyan minister said on April 16, 2009. Sea gangs from lawless Somalia have been increasingly striking the Indian Ocean shipping lanes and strategic Gulf of Aden, capturing dozens of vessels and hundreds of hostages in attacks that have driven up insurance rates. Picture taken April 10, 2009. REUTERS/Gina Din Corporate Communications/Japheth Kagondu/Handout (UNITED ARAB EMIRATES CONFLICT SOCIETY BUSINESS) QUALITY FROM SOURCE. FOR EDITORIAL USE ONLY. NOT FOR SALE FOR MARKETING OR ADVERTISING CAMPAIGNS

London(Sayruuq)-Shirkada Djibouti Telecom iyo lix shirkadood oo kale ayaa waxa ay saxeexeen heshiis caalami ah oo lagu dhisayo xadhig fiber optic ah oo cusub kaasoo badda hoosteeda mara, heshiiskaas oo la magic baxay Djibouti Africa Regional Express (DARE), xadhigan oo dhererkiisu noqonayo 5500 oo Kilometer, awood internet oo aad u badana qaadi doona.

Xadhigan cusub ee Fiber optic ga ah waxa uu isku xidhi doonaa magaalooyinka Daressalm (Tanzania), Mombassa (Kenya), Mogadhisu (Somalia), Bosaso (Puntland) , Berbera (Somaliland) , Mocha (Yemen) iyo Djibouti.

Xadhigani waxa uu kordhin doonaa xawaaraha iyo awoodda internet ka ee mandaqada kaasoo qaadi doonaa awood gaadhaysa 60Tbps, oo looga faaiidaysan doono isku xidhka caalamiga ah, iyo cilmi baadhista, fursado ganacsi oo balladhan sidoo kale u soo jiidi karo dalalka uu isku xidhayo, oo ay heli doonaan is gaadhsiin jaban.

Shirkadaha heshiiskan saxeexay waa: Djibouti Telecom, Africa Marine Express, TeleYemen, Telesom, Hormuud Telecom, Golis Telecom, iyo Somtel Group, waxaana la saxeexay May 26, 2016.

Waxa la rajaynayaa in mashruucan dhamaan doono May 2018.

Waxa xusid mudan in shirkada SOMCABLE oo dalka Somaliland hore u keentay xadhiga Fiber optic ga ah, ay heshiiskan ka mid ahayd bilaw ilaa dhamaad, laakiin daqiiqadihii u dambeeyay aanay saxeexin oo ay ka biyo diiday saamiga la siiyay ee xadhigan badda, iyadoo marka hore shirkada SOMCABLE aan lagu qanacsanayn internet ka ay dalka keentay oo noqday mid lagu niyad jabay, qiime aad u qaali ahna ay ku iibinayso.

Sayruuq Staff

London-Uk

contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.