Shirkadda Facebook Oo Soo Saartay Sharciyo Kaftanka Saamaynaya

0

Hargeysa(Sayruuq) Facebook ayaa daabacday shuruuc cusub oo ku saabsan xad-gudubka, si shirkadaha loo caawiyo sida ay sheegtay madaxa fulinta Sheryl Sandberg. Shuruucdan cusub ee xadgudubka waxa ka mid ah xodxodashada, hanjabaad, kaftanka laga xanaaqo, iyo takoorka.

Waxay muujineysaa in hadal xadgudub ah aan lagu tilmaami karin kaftan, ama sababo kale oo lagu andacoodo in aanay jirin. Sidoo kale, wuxuu sharcigan dhigayaa in dacwadaha la xidhiidha xadgudubyada lagaga jawaabo 24 saacadood gudahood.

Koox baadhitaan ku sameysa ayaa loo saarayaa, balse Facebook waxay sheegtay in aanay masuul ka noqon doonin natiijada ka soo baxda baadhitaanka, oo dhallin kara cadho ka dhalata in qofka la eedeeyay aan shaqada laga tirin.

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in ay u qaadan karto in qofka uu sharcigeeda ku xadgudbay, xitaa haddii aanu xeerarka Facebook jebin. Facebook ayaa sidoo kale shirkadaha kale weydiisatay in ay ka fikiraan, marka ay xeerarkooda wax ka badalayaan in:

Haddii labada qof ee rag iyo dumar ee meel ka wada shaqeeya is doonteen

Muxuu noqonayaa sida saxda ah ee la isu salaami karo

Haddii maamulayaasha ay shaqaalahooda saaxiib kula noqon karaan Baraha bulshada

“Waxaan u baahannahay hannaan wanaagsan oo lagaga hortagi karo dhaqamada xun iyo in qof kasta la difaaco,” ayey tidhi Ms Sandberg oo barta Facebook ku qortay sharaxaadda xeerka cusub.

Waxay intaa ku dartay in facebook ay aaminsan tahay in sharcigan cusub uu yahay “mid dhammeystiran”.

Xigasho:BBCSomali

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.