Shirkadda Dp-World Iyo Gacan Mariskii U Dambeeyay Ee Dhulka Banaan Ee Dekeda Berbera (Free Zone)

0

Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Wiilka Uu Sodogga U Yahay Madaxweyne A/Siilaanyo Oo La Filayo In Ay Maanta Kasoo Degaan Dalka
Hargeysa(Sayruuq)- Warar Xogogaal ah oo ay helayaan Warbaahinta Madaxa Banaan ee Somaliland ayaa sheegaya in maalinta Axada ee bishu tahay 05/11/2-17 ay dalka Imanayaan Wefti baladhan oo kasocda shirkada DP World iyo Dawlada Isutaga Imiraatka Carab kuwaas oo kasoo dagi doona Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal.
Weftiga ayaa Ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhaa Saxeexa dhul Free Zoneka ah oo la siin doono shirkada DP World ee Dekeda Berbera Maamusha iyada oo Qoyska Madaxtooyada oo uu hogaaminayo Wiilka Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay ee Baashe Morgana Taas Bedelkeeda uu shirkada DP World Qoys ahaan iyaga oo Xukumada Matalaya ka shuban doonaan lacag malaayiin Dollar ah oo lagu iibinayo dhulkaas Fee Zoneka ah oo cabir ahaan dhan 14KM oo isku weer ama dhinac walba ah. dhulkaas oo ka bilaami doonka Kaantaroolka Galbeed ee Berbera duleedkiisa halkaas oo dhulalka kuyaala oo dhan dad shacab ahi leeyihiin sharciyana Uhaystaan hase yeeshee La damacsan yahay in awood iyo amar Madaxtooyada kasoo bixi doona in lagu muquuniyo.

Warkan oo lagu baahiyay Shabakada Berbera News ayaa waxa kaloo uu sheegayaa in saxeexa dhulka Free Zoneka Shirklada DP World ee Dekeda Berbera Maamulkeeda haysaa Yeelan doonto islamarkaana Lacag malaayiin dollar ah lagaga iibin doono iyada oo laga gaadhsiinayo mudada maalmaha koobana ee ka hadhay Doorashada iyo Mudo Xileeda Madaxweyne Siilanyo iyada oo si dag dag ah looga faa,iidaysanayo maalmahaas kooban ee hadhay. waxa kaloo isaguna Qeyb ka ah iibinta dhulkan Free Zoneka lagu sheegay qaar ka mid ah Wasiiradda Xukuumadda oo kala shaqaynaya Qoyska Madaxtooyada in maalmahaas kooban dhulkaas gacanta la dhiibo. Talaabadan dag dagga ah ee Xukuumadda Iyo Qoyska Madaxtooyadu xiligan xasaasiga ah ku kaceen ayaa ku keeni karta Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kalsooni daro uu shacabka Somaliland kala kulmo maadama oo Xisbiga iyo Xukumadu Isku dhinac kasoo jeedaan xiligana lagu jiro Xili xasaasiya oo aanay marnaba haboonayn in saxeexa Madaxtooyadu usii shaqeeyo sife dag dag ah oo aan haboonayn oo sharci daro ah.

Waxa kaloo Isweydiin leh Xukumada Madaxweyne Siilanyo iyo Qoyska Madaxtooyadu miyay dhisayaan Musharax Muuse Biixi Cabdi Markay Qorshahan Guracan samaynayaan Mise hadimo ayay la daba joogaan oo guuldaro ayay la rabaan, Hadiiba ay guul la raadinayaan Musharax Xisbiga Kulmiye may haboonayn inay Xiligan Xaaladaha xasaasiga ah ee Udiyaar garawga Doorashada lagu jiro inay saxeexaan dhulkan 14-KM ah sife sharciga baalmarsan oo dhaliil ukeeni kara Musharax Xisbiga Kulmiye ay sameeyaan.
Sikastaba hanoqotee,Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Imaaraatka Carabta Baashe Cawil oo intii uu Dalka Xukumayay Madaxweyne Siilaanyo ka doogay islamarkaana Dhiilasha Ka Buuxsaday ayaa hadda ku talo jira inuu galaankii u dambeeyay sii darsado,waxaanu hormood ka yahay qorshahan hadda Shirkada Dp-World looga iibanayo Dhulkii Free-Zone-ka ahaa ee yaraa ee la rabay in Dekeda Berbera lagu fidiyo, waxaana laga qaadayaa sida la sheegay lacago badan oo malaayiin Dollar gaadhaya.

Xigasho Wargayska Foore

Sayruuq News

Xafiiska Hargeysa

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.