Shirkadda Dahabshiil Oo Macaamiisheeda Farriin U Dirtay

0
Shirkadda Dahabshiil Oo Macaamiisheeda Farriin U Dirtay

 

Shirkadda Dahabshiil ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay macaamiisheeda ugu sharraxday habka ay lacagaha isugu diri karaan xilligan Adduunka uu saameeyay Coronavirus ee bulshadu guryahooda joogto.

Shirkaddu waxay sheegtay in ay bulshadu lacagaha isugu diri doonto iyaga oo guryahooda jooga Mobile App-ka TalkRemit (www.talkremit.com) “waxaanu Macaamiisha Dahabshiil la socodsiinaynaa in Lacagaha aad eheladiina u soo diraysaan aad ka soo diri kartaaan Mobile App-ka TalkRemit (www.talkremit.com) idinka oo Jooga Guryihiina,” sidaas ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka

“Shirkadda Dahabshiil Waxay sidoo kale ku wargelinaysaa macaamiisheeda joogta dalka gudihiisa in lacagaha loo soo diro ay ku heli karaan Mobile-kooda iyaga oo jooga guryahooda. Sidaa awgeed macmiil fadlan la wadaag ehelkaaga iyo asxaabtaada Lambarkaaga Somtel ee leh adeega eDahab si lacagta laguu soo dirayo aad ugu hesho mobile-kaaga.”

Shirkadda Dahabshiil Oo Macaamiisheeda Farriin U Dirtay

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.