Shirkada Ivory Jet Oo Duulimaadyo Cusub Ka Bilawday Somaliland

0
Shirkada Ivory Jet Oo Duulimaadyo Cusub Ka Bilawday Somaliland

Shirkada Ivory Jet Oo Duulimaadyo Cusub Ka Bilawday Somaliland

Hargeysa(Saryuuq)-Shirkad cusub oo dhanka duulimaadyada ah oo lagu magacaabo Ivory Jet, oo laga leeyahay wadanka Jabbuuti ayaa duulimaadyo cusub oo dhanka VIP-da ah ka bilawday wadamada Somaliland iyo Jabbuuti. Shirkadan ayaa maanta March 07 2018 ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Adeegyada ay qaban doonto waxaa ka mida hawlaha deg deg ah ee labada dal, sida safarrada deg deg ah iyo hawlaha gargaar ee dhanka caafimaadka.

Shirkada Ivory Jet Oo Duulimaadyo Cusub Ka Bilawday Somaliland

Wasiirka cadaaladda ee Somaliland mudane, Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Farriid) oo ay wehelinayaan masuuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyey shirkadana cusub madaaradka caasimada Somaliland, waxaanu hoosta ka xariiqay inay tahay shirkad aad loogu baahnaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shirkadani kaalin mug leh ka qaadan doonto is dhex galka iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya wadamada Somaliland iyo Jabbuuti.

Geesta kale masuuliyiinta shirkada ayaa kulamo gooni gooni ah la soo yeeshay madaxweyne ku-xigeenka, wasiirada gaadiidka, wasiirka maal-gashiga.

Diyaarada ayaa duulimaadkii furitaanka soo martay hawada caasimada, iyaga oo ay dulimaadkaas wakhti ku soo qaateen wasiirka caadaladda, afhayeenka madaxweynaha, maareeyaha madaarka Hargeysa iyo masuuliyiinta shirkada qaarkood.

Djibouti oo Shirkad Cusub Heshiis la Gashay

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

sayruuqnews@gmail.com

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.