Shirka Jabuuti Oo Arrinta Somaliland Lagaga Hadlay

0

WAR-MURTIYEED: “Shirka Soomaalida ee Jabuuti”

Shirkii Aragti Wadaagga Soomaida ee ka socday dalka Jabuuti oo maanta lagu soo gabagabeeyay Caasimadda Djibouti ayaa waxaa laga soo saarey war-murtiyeed.

Shirka oo socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa diirrada lagu saarey:

  1. Doorka Soomaalidu ka qaadan karto Nabadda Geeska Afrika
  2. Qadiyadda Somaliland
  3. Horumarinta Ganacsiga iyo Waxbarashada
  4. Doorashooyinka ka socda Soomaaliya iyo Somaliland.

War-murtiyeedkii oo kooban:

  • Madashu waxay dhiirigalinaysaa dardargalinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

  • Madashu waxay ku baaqday in dib loo soo celiyo wada-hadlaladii Somaliland oo doorkoodu ahaa isqancinta.

  • Madashu waxay walaac ka muujisay xiisadaha siyaasaddeed ee sannadkan ka taagan Soomaaliya.

  • Madashu waxay ku baaqday in doorashada Soomaaliya wakhtigeeda lagu qabto

  • Madashu waxay walaac ka muujisay xiisadaha Siyaasaddeed ee ka taagan Somaliland gaar ahaan arrimaha dooorashooyinka.

  • Madashu waxay Somaliland ugu baaqday in ay sii waddo wada-hadalkii kala dhaxeeyay Soomaaliya si xal looga gaadho arrinta Somaliland.

  • Madashu waxay soo dhaweysay ballanqaadkii madaxweyne Cagjar ee ahaa in la xoojiyo Soomaalinimada.

  • Kenya: Madashu waxay bogaadinaysaa doorka ay siyaasadda iyo ganacsiga ay ku leeyihiin Soomaalida Kenya.

  • Madashu waxay ugu baaqeysaa hoggaanka Soomaalida Kenya in ay wax ka qabtaan burburinta hantida Soomaaliyeed gaar ahaan burburinta hantida shirkadaha isgaadhsiinta.

  • Madashu waxay saluug ka muujisay tirada kooban ee ardayda soomaaliyeed iyo tayo xumaanta waxbarashada.

  • Madashu waxay soo jeedisay in sannadka 2020 loo aqoonsado sannadka waxbarashada Soomaalida. Hal ku dhigna laga dhigto: “Yaan ubadka looga tagin aqoon la’aan”

  • Madashu waxay ugu baaqeysaa qof kasta oo soomaali ah in uu kaalin ka qaato horumarinta caafimaadka waxbarashada iyo caafimaadka.

  • Madashu waxay madaxweynaha Jabuuti u aqoonsatay xuddunta Soomaalida.

  • Shirka waxaa soo xidhay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay in uu aqbalay war-murtiyeedka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.