Sheeko Kale: Qaadi, Somaliland Baa Guulaysatay. Cabdisalaam Yaasiin

0

Qaadi Guud, Garyaqaan Aadan Haaji Cali Axmed, Alle haydin gargaaree, gudoonkii aad gaadheen adiga iyo qaadiyada kale ee Maxkamadda Sare, Somaliland baa guulaysatay. In la garamaa guulaysatay. Garsoorka Somaliland baa guulaystay, Distoorka Somaliland baa guulaystay.

Waxa jira caalamka “Dawlad Qaanuun” iyo “Dawlad Buuliis”. Shalay Somaliland waxay ka guurtay ‘Dawalad Buuliis” oo waxay u guurtay “Dawlad Qaanuun”.

Dawladda Qaanuunka waxay ilaalisaa xuquuqda madaniga ah, distoorka, shariciga, iyo nabadda. Dawladda Buuliiskana waxay ilaalisaa maamulka oo ay xoog iyo qori caaradii ku ilaalisaa. Distoorka iyo sharcigna waa baal martaa.

Intii hore daqan Dawlad Buuliis ayaynu lahayn. Shalayse (23 Juulay 2015, oo noqotay maalin taariikh ah) waxaynu yeelanay daqan Dawald Qaanuun. Sidaa darteed, Somaliland baa guulaystay.

Xisbiyada mucaaridka ee garnaqsaday ee gartii helay baa guulaystay.

Maxkamadda Sare iyo Garsoorka Somaliland ee cadaalad ku garnaqay baa guulaystay.

Xumuumadda Somaliland ee gartii laga helay ee qaadatay baa guulaysatay.

Distoorka Somaliland iyo “Dawlad Qanuun” baa guulaystay.

Alle haydi gargaaree, Qaadi, shalay, 23 Juulay 2015, Somaliland baa guulaystay.

Sidaa darted, waxan soo jeedinayaa, 23 Juulay in laga dhigo Maalinta Distoorka Somaliland. Maalintaas oo gaar u noqonaysa distoorka baahintiisa, barashadiisa, xishmayntiisa, falanqayntiisa, soo jeedinta wax ka bedelkiisa, iyo ku dhaqankiisa.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.