Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Oo Ku Taliyay In Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya Shacabku Garaacaan

0

Muqdisho(Sayruuq) Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah culimada iyo waxgaradka caanka ka ah Soomaaliya ayaa soo jeediyay in bulshadu u tagto mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya kadibna garaacaan. Waxa uu si weyn uga soo horjeeda Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo laga wado golaha Baarlamaanka. Waxa soo shaac baxay mooshin la rumaysan yahay in dalal shisheeye iyo maamul goboleedyadu iska kaashadeen oo lagu dirayo Mr Farmaajo.

Sheekh Gurxan oo xalay magaalada Muqdisho kaga qayb galay munaasibad xukumaddu ku sheeganaysay waxqabadkeeda ayaa soo jeediyay in baarlamaanka la iska celiyo “Dadka la leeyahay mooshin bay wadaan, dadkaas dareen ma leeyihii?, Soomaali ma yihiin? waxaa si dhib yar loo leeyahay meel hebel ayay lacag ka soo qaateen, way soo socdaan, mooshin bay sameynayaan, afar nin iyo shan nin miyaa nolol noo diidan? ma intaasaan baynaan iska dhici Karin? inta aan u tagno maan garaacno” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Nuur Baaruud.

“Baarlamaanka waxaa la yidhaahdaa waa wakiiladii shacabka, ma inaggaa raalli kaga ah inay lugaha ina hayaan, ayaantii dhoweyd, markii aan School Polizio ka hadlayay waxay dhaheen dhiiggeena ayaad xalaaleysay, aniga hala laayo ma dhihin, ee waxaan dhahay hala garaaco, haddana waxaan leeyahay halaga matajiyo lacagta laaluushka ay nabadgelyada khalkhalka ku gelinayaan,” Sidaas ayuu yidhi sheikh Nuur.

Waxa uu intaasi raaciyay “Marka Mooshin la keeno horumarka ayaa istaagi, amniga ayaa khalkhal geli, wixii socday oo dhan ayaa istaagaya, waxaa laga yaabaa in lacag lagu kala fur furo mooshinkii la keeno, Madaxweyne Farmaajo waxaa leeyahay mooshin hal shilin haku bixin, Mooshinka shacabka ayaa ku filan oo idinka difaacaya,” Sidaas ayuu yidhi sheikh Nuur Baaruud.

Sidoo kale wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha xukumadda Farmaajo ayaa munaasibadda ka sheegtay in kuwii xilka hore looga qaaday wadaan ololaha maamuus ka xayuubinta ah “Dad ayaa raba inay mooshinka keenaan oo ay dhahaan kor ayaan ka soo bilaabeynaa Madaxweynaha ayaan aadeynaa, Meyd macal jameeca yaa raxma, tan tii ma ahan, dad baa raadinaya wixii ay raadin jireen, kuwii shalay maa maanta raba inay xukunka qabtaan, waa ognahay meesha ay joogaan Imaaraadka iyo Nairobi, haddaan rabo magacyadooda waa sheegi karaa hebel iyo hebel, Cadkanow ku cunay ama ku ciideeyay waa soo dhammaatay ”Sidaas ayay tidhi Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.