Sheekh Maxamed Idiris Oo Soomaalida Ku Boorriyay In Dawladnimada Somaliland Ka Bartaan

0

Hargeysa(Sayruuq) Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culimada caanka ah ee Soomaalida ayaa bulshada Soomaaliya ku boorriyay in ay hoggaanka siyaasadda u dhiibtaan Somaliland isaga oo la dhacsan habka ay u dhacday codayntii doorashada Somaliland. Qoraal sheekhu ku faafiyay boggiisa Facebook ayaa soo jiitay indhaha bulshada waxaanu u dhigna sidan:

Waxaan hambalyo, duco iyo bogaadin hawada u marinayaa madaxda, shacabka, murashaxiinta iyo dadweynaha somaliland, sida wanaagsan ee dawladnimada, ilbaxnimada iyo xilkasnimada leh ee doorashadii madaxweynuhu ku soo dhamaatay maalinkii shalay ee 13 Nov, 2017. Waxaan Eebe weyne uga baryayaa dawladda iyo dadka somaliland inuu u siyaadiyo nabad gelyada iyo barwaaqada iyo horumarka.

Haddaan lays xaqirihayn oo soomaalidu wax isu ogoshahay, reer somaliland wexey somalida kale u dhigayaan casharo waaweyn xagga rabitaanka dawladnimada iyo nidaamka iyo kala dambaynta.

Guusha doorashooyinka iyo dawladnimada somaliland waxaa gundhig iyo saldhig u ah, dadka somaliland ayaa si dhab ah oo daacadnima ah dawladnimo u raba. Koonfurna waxaa xaqiiqa ah in badani inaaney dawladnimo rabin, kii dhaqaaqna tobani lugaha ku dhegto.

Somaliyey maad wax isu ogolaataan oo dawladnimada iyo waxaba somaliland inoogu dhiibtaan ha inna hogaamiyeene. Kolba anigu Hargeysa ayaan u socdaa inshallah.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.