Sheekadii Ninkii Digsida Ammaanaysan Jiray

0

W/Q Jamaal Cali Xuseen

Beri hore ayaa waxaa la yidhi ninkii Juxa la odhan jiray ayaa Digsi aad u weyn oo reer ay jaar yihiin lahaayeen ayuu ka soo amaanaystey. Digsigaasi oo ahaa mid karistiisu ay aad u macaaneyd.

Digsigii buu u celiyey reerkii markuu ka dhamaystay, haddana dhowr jeer oo danbe ayuu sidoo kale uga soo amaaneystay oo haddana u celiyey.

Haddaba maalintii danbe ayuu damaaci weyni galay oo uu is yidhi “waar tolow sidee baad digsigan isaga haysataa, ileyn waa bahalkan karista macaane.” Maalintii danbe ayuu “fikrad cusub” la yimid, micno ahaan qorshe weyn oo uu Digsigga ku haysto.

Haddana reerkii ayuu ka soo amaanaystey Digsigii markan isagoo ay wax ugu hoos laaban yihiin arrinkan. Markuu ka dhameystay ayuu sidii caadada ahayd u celinayaa reerkii, laakiin markan Digsi yar ayuu u dhex dhigay koodii weynaa. Markuu sidaa uga dhaqaaqay ayay reerkii arkeen Digsigan yar ee dhex jiifa koodii.

Intay Juxa u yeedheen ayay ku yidhaahdeen; ‘waar ninyahow Digsi yar baad ku dhex iloowday kii weynaa’, intuu Juxa sidii wax ilaaway u soo booday ayuu yidhi; ‘Raalli ahaada waan idinka ilaaway inaan idiin sheego, inuu Digsigiinii dhalay kan yar!’, markaasuu isla markiiba dhaqaaqay, dadkii oo yaaban oo weli sidii Juxa u sii eegaya oo afka u kala haya ayaa wax hadal ah aan la gaadhin Juxa, halkaasoo uu isagiina ka huleelay una dhaqaaqay goobtii uu ku noolaa.

Haddaba Juxa ileeyn waa nin qorshe watee dhowr jeer oo danbe ayuu Digsigii sidii u amaanaystay oo celiyey mar walba. Dadkiina ay isleeyihiin Digsiga siiya ileeyn waaba nin awliyoo waa intaasoo uu qaar kale dhalaaye. Haddaba markii danbe ayuu Digsigii Juxa iska haysanayaa halkuu ka celin lahaa. Reerkii oo xayraansan oo guuraya ayaa u imanaya Juxa iyagoo codsanaya inuu Digsigoodii deg-deg ku siiyo.

Juxa intuu markan iska dhigay sidii nin wax ilaaway oo aan war ogeyn ayuu odhanayaa; ‘Alla, oo waan idinka ilaaway inaan idiin sheego in Digsigiinii uu dhintay!’ Reerkii oo naxsan baa markiiba la soo boodaya; ” Waar bal wuxuu noogu sheekaynayo eega sideebaa Digsi u dhiman karaa?”;

Haddaba Juxa markan intuu dhoola cadeeyo ayuu odhanayaa; ‘Dee siduu markii horeba wax u dhalay ayuun buu imikana u dhintay,’ Eesh qiyaasak!”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.