Sharciga Xaaladda Degdeg ah

0
Sharciga Xaaladda Degdeg ah

Guuleed Dafac
2 mins ·
Sharciga Xaaladda Degdeg ah

Af Soomaali ahaan xaaladda degdeg ah waxaaynu u isticmaalaa mar kasta oo dhib culusi jirto, xaaladaha degdeg ah (emergency). Matalan abaar, cudur, iwm. Sharciyan State of Emergency way ka duwan tahay kuwaas oo waxay leedahay micno sharci oo balaadhan, Somaliland dastuurkeeda iyo xeerarka caalamiga ah labada ba. Qoraalkan kagama hadli karo saxnaanasha ama qaladka Xaaladda Degdega ah ee la soo rogay hada, waxaanse ku koobnaan doonaa waxaay tahay.

Dastuurka Somaliland

Dastuurka Somaliland wuxuu isticmaalay xeerarka degdeg ah oo ah “marka ay soo if-baxaan xaalado gaar ah oo halis gelin kara nabadgelyada dalka; khatar ku noqon kara xeerka iyo nidaamka; khalkhal ku abuuri kara xasilloonida guud, ama kalsoonida dhaqaale (qodobka 92 ee Dastuurka). Sida ku cad qodobka 92, xeerarka degdeg ah ee uu soo saaro madaxwaynuhu waxa laga ansixinayaa Baarlamaanka waxayna yeelanaya dhaqangal sharci iyaga oo ku siman sadex bilood, dibna ay u cusboonaysiin karaan Baarlamaanku.

Dastuurku ma faah-faahin awoodaha ay dawladdu yeelanayso xaaladda degdega ah, balse wuxuu waajib ka dhigay in awoodahaas cusubi noqdaan kuwo ku qoran xeerka degdeg ah. Si looga hortago in dawladdu si xun u dhaqanto wuxuu waajibiyay in Baarlamaanka laga ansixyo.

Xeerarka caalamiga ah

Marka la eego sharciga caalamiga ah, Xaaladda Degdegga ahi waxay u ogolaataa dawladda inay laasho xuquuqo iyo xorriyaad aasaasi ah. Kuwaas oo ay ka mid tahay inay dadka iska xidhi karto bilaa maxkamad iyo dacwad ku soo oogis la’aan, iyo hakinta xorriyaad ay ka mid yihiin kuwa dhaq-dhaqaaqa. Waa hanaan ay dawladaha doonaya inay gacan adag adeegsadaan ay ku jiidhaan xuquuqda muwaadiniinta. Waxaayna badiyaa isticmaalaan mararka ay soo wajahdo xaalado kacdoon oo shacabku ku diidan yahay.

Xaaladda degdega ah inta badan ma isticmaalaan dawladaha dimoqraadiga ah. Sidaasdarteed, marka la maqlo waxa caadiyan dunidu u fahantaa in dawladda adeegstay ay tahay mid gacan kulul oo dadka u daran.

Ciidanka iyo Xaaladda Degdeg ah

Cillada u wayn uu leeyahay Xeerka Xaaladda Degdegga ah ee uu madaxwaynuhu soo saaray waa ta uu ciidanka militariga awooda ku siiyay. Taas oo u eekaan karta inay tahay xeer ciidan (martial law) ee aanay ahayn Xaalad Degdeg ah. Qodobka 123 ee Dastuurka Somaliland sadex mabda’ oo waa wayn ayuu waajibinayaa:
1. Ciidanka Qaranku (military) wuxuu ku kooban yahay shaqada difaacista dalka ee uma xilsaarna amniga (policing);
2. “Ciidanka Qaranku waxa uu had iyo jeer u hoggaansamayaa oo tixgelinayaa Dastuurka iyo xeerarka dalka.”
3. Ciidanka Qaranka waxa mar walba u talinayaa muwaadininta madaniga ah ee iyagu uma talinayaan muwaadiniinta madaniga ah (civilian rule over the military);

Hadaba, marka keliya ee la ogol yahay in Ciidanka Qaranku soo galo xaalad ka baxsan difaaca dalka waa marka lagu dhawaaqo xalaadda degdeg ah. Markaas oo hadii loo baahdo la isticmaali karo. Sida ku cad qodobkan, soo rogista Xaaladda Degdegga ah maaha macneheedu in ciidanku la wareego hawsha ee waa in ciidanka loo isticmaali karo hawl ay marka hore ka tahay mamnuuc. Waxa se yaab ah Somaliland in marka horeba Ciidanka Qaranku uu galo arimaha amniga iyada oo aanay jirin Xaalad Degdeg ah, inksata oo ay taasi dastuurka ka soo horjeedo oo ilaalinta amaanku uu booliiska u gaar yahay, dastuurkuna taas cadeeyey carrabkana ku adkeeyey sababo hore loo soo maray dartood.

Sidaasdarteed, in ciidanku la wareego maamulka degmooyinka la geliyay Xaaladda Degdeg ah waxaan qabaa inay ka soo horjeedo dastuurka xaraf ahaan iyo ruux ahaan ba.

Guleed Dafac

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.