Sharaxaad Ku Saabsan Barmaamijka Haweenka Qayilaya

0
Barnaamijka Horyaal TV: Barkhad M. Kaariye

W/Q: Sagal Sheikh Abdurahmaan Ahmed Soosaaraha Barnaamijka HAGE ee Horyaaltv

Barnaamijka Hage waa barnaamij ka hadla arimaha bulshada waliba had iyo jeer dul istaaga wax yaalaha khatarta ku ah, diinta, dhaqanka, iyo ummadab, iyo waxyaalaha kale ee u baahan in bulshada laga wacyi galiyaba.
Hadii intaa aan kaga imaad barnaamijka waxaan arkayaa dad badan oo qalad fahmay muuqaal kooban oo aanu baahinay oo ka hadlaayay haween qaylaya, sidaasi darteed waxaan jeclaystay inaan faah,faahin kooban bixiyo.
Waxaan rajaynayaa inaad si wanaagsan u daawan doonta mawduuca aanu ka waramayno oo aanu ka eegnay dhamaanba qaybihii loo baahna hadii ay dhankii culimada tahay iyo hadii ay dhankii caafimaafka iyo dhakhtarka tahay iyo qaybo kaleba.

Idinma dhaliilayno mana idinka xumaanayno waliba sharaf iyo karaamo badan ayaanu idiin haynaa, hablaheena iyo reer hargeysana caayi mayno balse waxaanu soo bandhigaynaa dhibaato jirta oo sidii loo qarinaayay inagu fiday, waxaan hubaa in aanu baraarujinay cid kasta oo arinta waajib ka saaran yahay inay wax ka qabtaan.

Runtii intiina caytamaysa waad mahadsantihiin, intiina habaartamaysana waan idiin ducaynayaa, intiina nagu taageeraysa in aynu ummada baraarujinana waanu u mahad naqaynaa.
Mahadsanidin Alle haydin sharfo

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.