Shaqadii Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka oo Fadhiid Noqtay Wakhti Mucaaridku Xukuumada ku Eedeeyaan in Musuq-Maasuq Baahsani Dalka ka jiro

0

Eedaha Mucaaradka Ee Sheegay inuu musuqmaasuq Baahsani Dalka jiro oo Hanti-dhawarku Afka Ka Xidhay

Hanti-dhawrka ayaa la’arkaa marka uu khilaaf soo kala dhex galo masuuliyiinta wasaradaha qaarkood, kuwaas oo midkoodba mid ka kale u adeegsado

 

Hargeysa (Sayruuq) Hay’ada Hantidhawrka Qaranka Somaliland oo Xukumada u Qaabilsan Baadhista iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ayaa muddooyinkii u danbeyey aanay wax shaqo ahi ka socon, waxaana Joogsaday Gabi ahaanba shaqdii ay qaranka u haysay.

Wariye ka tirsan Waaheen oo booqday Hay’adaasi ayaa tilmaamay in uu indhiisa ku soo arkay iyada oo aanay wax shaqo ahi ka socon Xafiisyada Hay’adaasi, Hay’ada Hantidhawrka ayaa wakhtigii Xukumada Madaxweyne Siilaanyo Cusbayd waxay Baadhis iyo Dabba gal ku sameyn jirtay Wasaaradaha iyo hay’adaha Dakhli ururinta iyada oo Wakhtigaasi ay jireen Masuuliyiin Faro badan arrimo Musuq maasuq u xidhay oo illaa Xukun Maxkamadeed ku dhacay.

Balse  Sannadkan 2015 ee aynu ku jirno ayaa hantidhawrkii la wayey meel uu Jaan iyo cidh uu dhigay iyada oo Dadka Dhaliila  xukumadu ay sheegaan in Hantidhawrkii gallay Huradii Asxaabul kahfi oo kale isla markaana aanu la socon waxa dalka ka socoda shaqadii qaranka uu u hayeyna  ay meesha ka baxday.

Guddoomiyaha Hanti-dhawrka guud ee Qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud dheere) oo Xilka Hay’adaasi hayay  intii ay jirtay Xukumada Madaxweyne Siilaanyo  ayaan muddooyinkii ugu danbeyey lagu arag Warbaahinta iyada oo shacabka Somaliland iswaydiinayaan meesha uu ka dhacay.

Dhinaca kale Hanti-dhawrka ayaa la’arkaa marka uu khilaaf soo kala dhex galo masuuliyiinta wasaradaha qaarkood, kuwaas oo midkoodba mid ka kale u adeegsado, balse marka heshiis laga gaadho ama arrintaa la xiliyo ayay joogsataa baadhidii uu hanta-dhawrku waday.

Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ayaa Xukumada Madaxwyene Siilaanyo ku eedeyey in ay tahay Xukumad uu bariinsaday Musuqmaasuq isla markaana hay’adihii loogu tallo gallay in ay musuqmaasuq baadhan ay fadhiid noqdeen, taasi oo keentay in Masuul kasta Hantida Qaranka sidda uu doono uu ka yeello, ka dib markii Hay’adii sharci ahaan in ay ilaaliso  hantida qarnaka  meesha ay  ka baxday.

Waxaanay Xisbiyada Mucaaridku sheegen in madama Xukumada Siilaanyo muddo xileedkii la doortay uu  dhammaaday in loo bahan yahay in hantida qaranka la ilaaliyo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.