“Shacabka waxaan leeyahay Xisbiyadu Cod bay Xaq idiinku leeyihiin ee Dhiig in aad u daadisaan Xaq idiin kuma laha, ee Nin-na dhiiggiinna ha u daadinnina…Difaaca Qarannimadana..” Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin

0

Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Md Daahir Riyaale Kaahin Oo Shacabka Talo Dhaxal-gal ah u jeediyey.

Hargeysa(Sayruuq)- Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ugu Baaqay Shacabku inaanay dhiiggooda u daadin Shaqsi Kursi-doon ah, balse Bulshada dhiiggoodu ku daadan karo difaaca Qarannimada Somaliland.

Md. Rayaale, waxa uu sheegay in Ninka jecel dalku uu yidhaahdo Bulshada wada-jira, kana shaqeeyo midnimadooda, hase-yeeshee, Ninka aan jacaylka waddanku ka shaqaynayo kala-fogeynta Bulshada walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ku wada nool. Hase-yeeshee, waxa uu xusay in Qarannimada iyo Midnimada Shacabku ka weyn tahay Rabitaanka Qof iyo Qofaf-ba.

Hadalkan Taariikhigga ah oo uu jeediyay Daahir Rayaale Kaahin 28 October 2009-kii, waagaas oo Muddaharaadyo lagaga soo horjeeday dib-u-dhicii doorashadii Madaxtinnimada iyo muddo-kordhin mar labaad Golaha Guurtidu u diyaarinayey inuu u sameeyo Madaxweyne Rayaale iyo Ku-xigeenkiisii Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, markaas oo muddaharaad ka dhacay Hargeysa oo Mucaaradku abaabulay Dhawr Dhalinyaro ah dhimasho iyo dhaawacyo ka soo gaadheen Rasaas nool oo Boolisku ku fureen, si ay u kala kaxeeyeen Muddaharaadayaasha oo Baarlamaanka iyo Madaxtooyada dhex-dooda gaadhay.

Markaas ka dib ayuu Daahir Rayaale Kaahin oo Madaxweyne ah, isla markaana Guddoomiyaha iyo Musharraxa Xisbigii Burburay ee UDUB-na ahaa, waxa uu jeediyey Khudbad Weedhihii uu u adeegsaday badi dhaxal-gal noqdeen. “Xisbiyada iyo Kan Anigu (UDUDB), aan Madaxda ka ahay Cod-bay Xaq idiinku leeyihiin ee Dhiig in aad u daadisaan xaq idiin kuma laha. Shacabi waynaha waxaan leeyahay Nin-na dhiiggiinna ha u daadinnina, Difaaca Qarannimadiinna ayaa dhiigga u daadin kartaan.”

“Ninka Masuulka ah ee ku Taliya nabadgeliyo-darro ha la sameeyo oo Kursi baan rabaa Ummaddan dan uma hayo. Ninka idin jecel ee dalka jeceli, waa ka yidhaahda; ‘wada-jira’, Ninka idin necebi waaka; ‘Kala taga idin’ yidhaahda.” Sidaa ayuu yidhi Md. Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynihii hore ee Somaliland.

Sidoo kale, Daahir Rayaale Kaahin wuxuu sheegay in Somaliland tahay sida Basasha oo kale, isla markaana haddii la diiro aan dib la isugu soo celcelin karin, waxaanu yidhi; “Basashu way qurux badan tahay, balse haddii la dhillo dabaylaha ayaa kala qaada oo mar dambe la iskuma soo celin karo. Somaliland waa in laga ilaaliya in loo miiq-siibbo sidaa Basasha oo kale, oo Dadkeeda la isku fidneeyo iyadoon waxba jirin.”

Haddaba, ujeeddada Wargeyska Ogaal, waxa uu Weedhahan Hadallada Diiwaanka Taariikhda galay ee uu 28 Aktoober 2009-kii jeediyey Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ah, inay yihiin kuwo talo iyo tusaale u ah xaaladda ama marxaladda siyaasadeed ee wakhtigan dalka Somaliland marayo, iyadoo loo diyaar-garoobayo doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan 13-ka bisha 11-aad ee sannadkan aynu ku jirno oo ay 14 Dharaarood innaga xigaan. Iyada oo xiisadda ololaha Xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID oo ku tartamaya doorashada xamaasaddoodu meel kulul marayso, gaar ahaan Waddani iyo Kulmiye oo eedaymo kulul oo marmar u muuqanaya in Bulshadu ku kala qaybsami karto Warbaahinta isu marinayey dharaaraba, waxaanay tusaale wacan iyo talo waafi ahba ugu filan yihiin weedhahan Rayaale Shacabka oo uu u sheegay inaan Ninna dhiig inay u daadiyaan xaq ugu lahayn ee Xisbiyadu keliya Cod xaq ugu leeyihiin.

Xigasho Wargeyska Ogaal
Saryruuq News
Xafiiska Hargeysa
contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.