“Shacabka Somaliland Haddii Uu Ka Dagaalami Jiray Digtaytar Hub Iyo Dabaabado Sita Maanta Kaligii Taliye Bilaa Hub Ah Ayaa Jiree Ha La Iska Celiyo” Jamaal Cali Xuseen

0

Jamaal Cali Xuseen Oo Mataaneeyey Xil Ka Qaadistii Cali Gurey, Waabeeyo Iyo Cabdiraxmaan Talyanle

Hargeysa (Sayruuq.com)-Jamaal Cali Xuseen Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga UCID ayaa sheegay in maanta la joogo wakhtigii lala dagaalami lahaa kaligii taliye bilaa hub ah halkii barigii hore uu shacabka Somaliland ka dagaalamay digtaytar hub iyo awoodba haysta.

f9621f8e-c843-43ae-a02a-0df93e552800 (1)

Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayay khilaafka xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa sheegay in barigii hore la arki jiray digtaytar hub sita balse haatan ay jiraan digtaytaro xisbiyo jooga oo aan hub sidan ayna tahay in la iska celiyo. Jamaal Cali Xuseen oo arrinkaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Somaliland dadkeedu waxay ka dagaalami jireen digtaytar hub iyo dabaabada haysta, markaa digtaytar xisbi jooga oo bilaa hub ah dee in la iska celiyo weeyaan oo sharciga lala tiigsado nina sharciga kama wayna “.

Geesta Jamaal Cali Xuseen ayaa mataaneeyey go’aamadii xilka lagaga qaaday Guddoomiye kuxigeenkii saddexaad ee UCID Cali Gurey iyo guddoomiye kuxigeenadii labaad iyo saddexaad ee KULMIYE Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeyo iyo Cabdiraxmaan Talyanle waxaana uu sheegay in labada Guddoomiye ee Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe arrinkaasi ka heshiiiyeen isla markaana ay isla gaadheen in isku jiho loo wado KULMIYE iyo UCID (Same Proportional) mar uu arrinkaas ka hadlayayna waxa uu yidhi:

“labada nine e guddoomiyaha ah ayaa malaha guri kuwada shiray oo yidhi xisbiyada aynu ka dhigno hanti (Property) aynu leenahay adna saa same aniguna sidan ayaan samaynayaaye, markaa waxaad moodaa inuu xadhig isugu xidhan yahay labada Guddoomiye labadooduba waa wax lagu qoslo (inay xilalka ka qaadaan Cali Gurey, Waabeeye iyo Talyanle)” ayuu yidhi Murashax Jamaal Cali Xuseen.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.