“Shacab Aad Hoobiye Ku Garaacaysaan Miyaad 2016 Ku Gaadhaysaan..Wixii Gaalkacayo Ka Dhacay Inuu Suuriya Ka Dhacayo Ayaad Moodaysay..” Beesha Caalamka Oo Bahdishay Madaxda Somalia

0

Muqdisho(Sayruuq)- Wakiilka ururka IGAD u qaabilsan Somalia ayaa farriin adag oo uu beesha caalamka iyo ururka IGAD uga siday ku bahdilay madaxda Somalia, kuwaasi oo uu sheegay inay shacabkii taangiyo la dhacayaan. Farriinta uu sheegay in gaadhsii la yidhi madaxda Somalia ayaa xambaarsanayd cannaan ba’an oo bahdilaad ku ah madaxda Somalia, laguna sheegay inay hawlsan yihiin una baahan yihiin in maxakamad caalami ah la saaro.

Wuxuu si adag ugu canaantay ra’isal wasaaraha Somalia doorkii xukumadda oo aan meesha ku jirin. Farriintan waxaa lagu sheegay inaanay madaxda Somalia is waydiin sababta dalalka IGAD ugu dhimanayaan gudaha Somalia iyo sababta ciidamo shiisheeye loogu baahan yahay haddii Somalia haysato ciidamadii iyo hubkii Gaalkacayo lagu garaacay maalmihii  la soo dhaafay.

Waxaa farriinta ka muuqatay in saluug weyn laga qabo madaxda Somalia, iyadoo lagu sheegay in haddii shacabkiiba la laynayo aanay ahayn in hiigsi 2016 laga hadlo, waxaana lagu dhalliilay maamul goboleedyada oo u muuqda dawladdo kala madax bannaan oo mid walba ciidan gaara leedahay

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.