Sh. Maxamed Aadan Oo Sharraxay Ahmiyadda Tartanka Quraanka Ee Dahabshiil Maalgaliso

0
Sh. Maxamed Aadan Oo Sharraxay Ahmiyadda Tartanka Quraanka Ee Dahabshiil Maalgaliso

Sh. Maxamed Aadan Oo Sharraxay Ahmiyadda Tartanka Quraanka Ee Dahabshiil Maalgaliso
Masaajidada Cali Mataan iyo Rusheeye waxa si rasmi ah looga furay tartanka Quraanka Kariimka ah ee ay maalgaliso shirkadda Dahabshiil Group. Tartankan oo ah ka ugu taariikhda dheer tartannada Quraanka Kariimka ah ee Somaliland waxa furitaankiisa ka qayb galay ardayda ku tartamaysa oo ka kala socda gobollada Somaliland, guddida xeer beegtida ah iyo dadweyne kale.

Sheekh Maxamed Aadan oo ah guddoomiyaha guud ee tartannada Quraanka Kariimka ah ayaa faahfaahin ka bixiyay tartankan “Masjidka Cali Mataan iyo Masjidka Rusheeye waxa inooga furmay tartankii Quraanka Kariimka ahaa ee shirkadda Dahabshiil ay maalgaliso. Tartankani waa tartanka ugu da’da weyn tartannada lagu qabtay Somaliland, waa tartan soo bilaamay 1992-kii. 1992-kii ilaa 1999-kii waxay ahayd tartan bilaw ah oo mararka qaarkoodna duruuftii dalka ka taagnayd inaga joojisay, wixii 1999-kii ka dambeeyay ilaa sanadkaa maanta ah ee 2019 waxa si toos ah u maalgaliya oo runtii ducada iyo ajarka ka shaqaystay ardayda yaryar ee la dhiiri gelinayo shirkadda Dahabshiil,” sidaas ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan.

Sheekh Maxamed Aadan guddoomiyaha guud ee tartannada Quraanka Kariimka ah waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyay faa’iidooyinka uu keenay tartanka Quraanku “Wuxuu runtii tartankani keenay guulo badan; waxaa ka mid ah in dhallinyartii ku dhiirratay in ay Quraankii Kariimka ahaa xiftiyaan, waxa ka mid ah iyada oo dhallinyaradii gobolladu is barteen, jaa’isadaha lagu bixiyo waxa ugu qiimo badan in ardayga ugu sareeya la gayn doono xashka, xaaji yar oo Quraanku kor u soo qaaday oo isaga oo yar karay in uu xajo waa qiimo weyn,” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan.

Ugu dambeyn wuxuu sheikh Maxamed Aadan u mahadceliyay dhinacyada ka qayb qaatay hirgelinta tartankan oo ay ka mid yihiin guddiyada qabanqaabiyay iyo qaybaha warbaahinta ee doorka ka qaata baahinta tartanka oo ay ka mid yihiin Idaacadda Quraanka Kariimka ah.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.